X

“Haku maaweelin dadkaa naxliga Shacbiga Somaliland” wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Somaliland Oo u jawaabay Fiqi

“Haku maaweelin dadkaa naxliga Shacbiga Somaliland” wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Somaliland Oo u jawaabay Fiqi
“Fiqi Yare Fariidnimo Uma Dhalan” Mohamed Nuur Carraale Duur
Wasiirkii hore ee Arrimaha guddaha xukuumadii Madaxweynihii geeriyooday Axmed Siilaanyo. ayaa ka hadlay arrinta Wasiir Fiqi.
Qoraal kooban oo uu kaga hadlay arrintaa ayuu ku yidhi sidan: –
“Marka aanad masuuliyad iyo xal ummadeed aanad ka shaqaynayn , ee waxaagu xasarad iyo xumaan yihiin waa iska hadal sidan oo kale !
Fiqi yare waxaan is idhi fariidnimona Uma dhalan fahanka masuuliyadu uu ku magacaaban yahayna ma fahmin , muu garan masuulidan laguu igmaday maxay ku faraysaa .
Tuugow maxaa hilaac kaa Dan ah ?
Iyadoo maanta madaarkii Muqdisho hoobiye lala dhacayo , iyadoo Al Shabaab inay la wareegto gacan ku haynta dalkaad wasiirka ka tahay ay cabsideeda leedahay , iyadoo aduunkii idin arkay talo xumaantiina , musuq iyo boob mooye inaan talo kale Muqdosho ka jirin !!!!
Gooni ayaa loo goostay kkk halkeed joogtaa laga goostay ???
Somaliland waxaa la ogyahay cid kasta oo aduunyada maanta ku nooli ogtahay in dad tashaday oo ku nool nabad iyo deganaansho mudo 32 sanadood ah .
Iyadoo hadda Madaxweynihii lixaad la doortay dhowaan si xor ah oo xalaal ah ( free and fair elections) , dhammaan isbedaladaasina ku yimaadeen codka shacabka xariirta ah ee reer Somaliland oo aan iyagu cidnaba xumaan la doonayn .
Ma hadal ayaa la wadi , haku maaweelin dadkaa naxliga Shacbiga Somaliland ee dadkaga nabad gelyo iyo horumar la raadi ayuu yidhi, Maxamed Nuur Caraale (Duur)
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post