X
    Categories: Warar

Hagardaameynta loo Gaysto Shirkadaha Dahabshiil Group Waa Waxyeelaynta Danaha Soomaalidda

Araweelo News Network

Error: Contact form not found.

Error: Contact form not found.

Salaanta islaamka ka dib, waxaan ka tacsiyadeynayaa shirkada Dahabshiil Group & hawl-wadeenadeeda daafaha dunida, gaar ahaan Mr. Xasan Cabdi Cawad, Maamulaha Guud ee Shirkada Dahabshiil ee Koonfurta Soomaaliya, dhaawacii iyo dhimashadii ka soo gaadhay falkii arxan-darada ee gacan-ku-dhiiglayaashu u geysteen qoyskiisa, waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu kheyr ugu bedelo, kuwii falkaa foosha xun geystayna, degdeg Ilaahay u soo gacan-geliyo, si loogu ciqaabo dembiga ay geysteen.

Falkaa foosha-xun ee ka baxsan, dhaqanka Islaamnimadda iyo dadnimaddaba, maaha mid loo geystay keliya masuulka qoyskiisa la beegsaday, balse waa mid loola badheedhay shirkada Dahabshiil, oo ummada ku hadasha afka Soomaaliga iyo guud ahaan bulshada caalamka intooda badan u ah lama huraan, isla markaana haduu hakad ku yimaado adeegyada ay u fuliso, saamayn xun ku yeelanaysa, Ilaahay kama dhigee.

Waxaan qabaa in marka magaca shirkada Dahabshiil qof dhegtiisa ku soo dhacdo, markiiba shuruuctiisa iyo damiirkiisuba, dib u milicsanayo dedaalada, waxtarka iyo kaalinta ay ugu taagan tahay ka qeyb qaadashada horumarinta macaamiisheeda, gaar ahaan dadka afka Soomaaliga ku hadla, dibed-joog iyo degel-jooga, xilliyada murugada aafooyinku dhacaan ama farxada, oo dareemayo waxay uga dhigan tahay shaqsiyan iyo guud ahaan ummadaha kale, isla markaana yididiilo gasho, hadii looga yeedho xafiisyadeeda, waxay u siddo awgeed.

Hadii ay xaqiiq tahay lama huraannimada shirkada Dahabshiil, waxaan qabaa in looga baahan yahay qof kastoo soomaaliyeed, iyo bulshada kale ka faa’iidaysta adeegyada ay fuliso, u baahani, inay u noqdaan garab iyo gaashaan difaaca danahooda, maadaama dantiisu ku xidhan tahay, la’aantoodna saamayn balaadhan ku keeni karta.

Odhaah ayaa jirtay Boqortooyadii Ingiriisku u jeediyeen bulshadii ay u tallin jireen, si ay u ogaadaan, isla markaana ixtiraamka ay ka mudan yihiin u siyaan “Xumaanta loo geysto askari- waa xumaan loo geystay Boqortooyada” taasoo ciqaabteeda la marin jiray qofkii geysta, taasoo markaad si dhow u eegtid, macnaheedu noqonayo, hadaan Boqortooyadu difaacin ciidankeeda, inay ku xigi doonaan. Xukuumada Soomaaliya waxaan u soo jeedinayaa inay degdeg sharciga u horkeento kuwii dhaawaca iyo dhimashada ula badheedhay hal-bowlihii Soomaalida iyo caalamkaba, maadama, iyaga laftoodu qeyb ka yihiin inay dhibayso dhaawac soo gaadhee.

Haatan waxaan leeyahay Hagardaamada shirkada DAHABSHIIL-waa HAGARDAAMADA dhamaan DADKA SOOMAALIYEED, maadama ay u tahay hal-bowlaha iyo dhuunta malaayiin daafaha caalamka ku kala nool ka helaan, una soo maraan dakhliga ay ku daboolaan baahiyaadka nolashoodu, waxaan u soo jeedinayaa naftayda iyo guud ahaan inta ila dareenka ah inaynu ka dhiidhino, isla markaana garab-istaagno, xumaan kastoo loola badheedho, ama la qarsado oo loola jeedo shirkada Dahabshiil, cod dheerna ku sheegno “Ma Aqbali karno, mana Aqbali doono mustaqbalka.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post