X
    Categories: Warar

‘Guusha Xukuumadda iyo KULMIYE Maaha Wax Xisbi Kale loo Waaridayo, Mana aha Alaab Meel Taalay oo…’ Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhigga

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa ku eedeeyey Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan inuu caqabad ku ahaa dhismaha waddada Ceerigaabo oo Madaxweynuhu dhagax-dhigay muddo saddex sanno ka hor ah.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Md. Maxamuud Warsame Jaamac, waxa uu sheegay in samaynta waddada Ceerigaabo tahay fikrad iyo hami uu lahaa Madaxweyne Siilaanyo muddo badan, isla markaana guusheedu noqon doonto mid ku suntan taariikhda Madaxweynaha iyo xukuumadda xisbigiisa KULMIYE.
“Waddada Ceerigaabo waxa dhagax-dhigay ku dhiirraday dhisamheeda, hamigeeda iyo himiladeeduba waxay ahaayeen Madaxweynaha Qaranka isagoo aan madaxweyneba ahayn iyadoo aan Somaliland-ba asaasnayn ayuu ku fikirayey Madaxweynuhu waddada, Ilaahay wuu ku guuleeyey oo iminka waddada Ceerigaabo waxay qarka u saaran tahay dhammaad oo waxa ka hadhay Carro-tuulkii inuu isgaadho dhawr iyo soddon Kilomitir oo Saraar ah, inta kale way is wada haysataa, 120KM laamidii madowga ahaa ayaa saaran, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan) oo Madaxweynuhu u igmaday in Wakaaladda Horumarinta Waddooyinku hoostagto wasaaraddaasi muddada kooban ee uu wasiirka ka ahaa iyo waqtigii hore ee sannadaha ahaa wasiirkii hore ee Wakaaladdu hoostagaysay faraq wayn baa u dhexeeya, waxaanna la odhan karaa wuu dhaqaajiyey waddadii Cali Marreexaan oo wuu muujiyey siyaasaddii Madaxweynaha Qaranka ee ahayd in waddadaasi dhisanto,” ayuu yidhi Maxamuud Warsame Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska Hargeysa shalay, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu ahaa kaaliye u shaqeeya Madaxweynaha oo uu u igmaday inuu wado hawsha Wakaaladda Waddooyinka may ahayn fikir iyo maal uu Xirsi leeyahay, manay ahayn awood iyo aragti isaga ka timi, laakiin Madaxweyne Siilaanyo ayaa allifay, waana raadka taariikheed ee uu ka tagayo Madaxweyne Siilaayo. Waxaannan leeyahay waddadii Xirsi dabadii way dhaqaaqday, waxaannu ahaa runtii dabar laga duway waddada. Xirsi waxa uu ka mid ahaa xukuumadda, markii uu la socon kariwaayeyna wuu iska tagay, waana laga aqbalay.”
Waxa kaloo uu tilmaamay in guusha waxqabadka xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo uu leeyahay xisbiga KULMIYE, waxaannu yidhi, “Guusha xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE maaha wax la jumladaynayo iyo wax xisbi kale loo waaridayo ee Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa ayaa leh, mana aha alaab meel taalay oo Xirsi leeyahay ee talada hufan iyo hiigsiga dheer ee Axmed Siilaanyo ku maamulayey dalka, maantana waxa Qarankan gadh-wadeen ka ah Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa xisbiga KULMIYE, wixii ay bilowday iyo wixii ay qabteena iyagaa ku suntan, talada hoggaanka dalka aannu rajaynaynaa inuu sii hayn doono xisbiga KULMIYE.” Wasiir Ku xigeenka Gaashaandhiga Maxamuud Warsame Jaamac.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post