X
    Categories: Warar

Guurtida Oo Ka Cadhootay Xeer Golaha Wakiiladdu Ansixiyeen

Golaha Wakiiladda Somalialnd, ayaa meel mariyay Odoroska Miisaaniyada 2019, 29 Dec 2018. photo File Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guurtida, ayaa ka cadhootay Xeer Golaha Wakiiladdu Ansixiyeen.

Mudanayasha golaha wakiilada Somaliland, ayaa Kal-fadhiga 41aad ee ay yeesheen maanta ku meel mariyay Xeerka maamulka Gobolada iyo Degmooyinka dalka ee Xr/lamber 20, kaasoo golaha Guurtidu dhawaan wax ka bedel ku soo sameeyeen.


Fadhiga golaha oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax oo uu weheliyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee golaha md. Axmed-Yaasiin sh. Cali Ayaanle , ayaa cod qaaday Xeerka maamulka Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo golaha Guurtidu dhawaan wax ka bedel ku soo sameeyey, waxayna ka saareen qodobo ay wax ka bedel hore ugu sameeyeen golaha guurtidu.

Gudoomiyaha, ayaa mudanayaasha fadhigaa kasoo xaadiray oo ahaa 51 xildhibaan u weydiiyay in cod loo qaado qodobadii golaha guurtidu soo jeediyeen in wax ka bedel lagu sameeyo, waxaana ogolaaday in sidii golaha hore ugu ansixiyeen 44 xildhibaan, waxa diiday 3 xildhibaan, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan.


Sidaas waxay mudanayaasha golaha wakiiladu ku meel mariyeen xeerka hinaxugu ansaxay sidii markii hore goluhu ku meel mariyey kuna diideen soo jeedintii wax ka bedelka guurtidu ku soo samaysay.
Dhinaca kale, waxa arrintan ka cadhooday oo sheegay inay dacwad uga gudbinayaan Maxkamadda sare ee Somaliland sida uu sheegay Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaax-nuug ayaa ku tilmaamay go’aanka golaha wakiiladu ku meel mariyeen xeerkaa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post