X

Gurceel Oo Gacanta Ahlu Sunna Dib Ugu :Laabatay Kaddib Markii Ay U Awood Sheegteen Ciidamadda Federaalka Iyo Kuwa Galmudug

Araweelo News Network.

 

Taliyihii Ciidanka Danab Oo Lagu Dilay Dagaalka Iyo Gaadiid Laga Qabsaday Ciidanka Dawladda Federaalka

Gurceel(ANN)- Dagaal lagu hoobtay, ayaa saaka ku dhexamay Magaaladda Gurceel Ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliya oo teegeeraya kuwa maamulka Galmudug iyo ciidamadda Ururka Ahlu Sunna Waljameeca oo ay isku haystaan awoodda maamulka.

 

Wararkii ugu danbeeyay ee kasoo baxay deegaanka, aaya sheegaya in ugu yaraan 20 qof lagu dagaalka, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ciidanka dawladda Federaalka ah, waxaana lagu soo waramayaa inay40 qof ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa sidoo kale sababay in boqolaal qoys ka qaxaan guryahooda, kuwaas oo ka cararaya dagaalka soo noq-noqday ee Galmuddug.

Warar ay shaacisay VOA-da laanteeda Afsoomalaiga oo soo xiganay Saraakiil maamulka iyo kuwa dawladda ah, ayaa sheegtay in khasaaraha dagaalka ee dhimashadu u badan tahay askarta dhinacyaddii ku dagaalamay Gurceel.

Wasiirka Maamul gobolleedka Galmudug u qaabilsan Warfaafinta, ayaa u sheegayVOA-da in dhinaca ciidamada dowladda ay dagaalka kaga dhinteen saddex Askari, dhowr iyo toba kalena dhaawacyo soo gaadheen.

Masuulka, ayaa sheegay in dagaalka guulo ka gaadheen, isla markaana ay magaaladda gacanta ku hayaan, isagoo dagaalyaahnka ciidamadda Ururka Ahlu Sunna Waljameeca sheegay in ay meel duleedka magaaladda ah kasoo garaacayaan Magaaladda, balse dhankooda ciidamadda Ururka Ahlu Sunna Waljameeca, ayaa sheeganaya guul iyo in ay iyagu magaaladda gacanta ku hayaan, wallow aannay jirin warar madaxbanaan oo beeninaya sheegashada dhinacyada ku dagaalamayaa Gurceel.

Dhinaca kale, waxa jira sheegaya in aannay jirin cid si buuxda magaaladda gacanta ugu haysa xilligan, waxayna wararku xaqiijiyeen in dadka dagaalka ku dhintay maanta uu ka mid yahay Taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug, Cabdiladiif Faysal, kaas oo la xaqiijiyey inuu ku dhintay dagaalkii rogaal celiska ahaa ee galabta ka dhacay degmada Guriceel.

Warar sheeraad ah, ayaa sheegaya gaadiid uu ka mid yahay gaadhi uu lahaa taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka dawladda Federaalka ee Soomaaliya Gen. Mascuud u gacan galay Ahlu-sunna, isla markaana ay weli xaaladda degmada Gurceel cakirnayd, iyadoo galabta inta badan magaaladda laga qabsaday ciidankii dawladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee saaka ku awood roonaaday.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post