X
    Categories: Warar

Gunaanadka Shirka Caawimooyinka Iyo Calaamtu Su’aasha Saaran Qaabka Loo Maamulo Mashaariicda Malaayiin Dollar Oo Somaliland Ka Hesho Sanduuqa SDF


Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlayey shir lagaga hadlayay Isku- dubaridka Caawimooyinka Somaliland oo shalay lagu soo gebagebeeyay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ajandaha shirku ahaa sidii Somaliland uga warbixin lahayd horumarka ay ka gaadhay deeqaha ay ka hesho beesha caalamka.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland, wuxuu sheegay in si gaar ah sannadkan diirrada loogu saarayo waxqabad uu sheegay in la sameeyey intii ka dambaysay shirkii Midowga Yurub ku qabtay magaalada Bruzelis ee Somaliland loogu qoondeeyey mucaawadana gaarka ah (Somaliland Special Arrangement).

Hase yeeshee Wasiir Sacad Cali Shire wax faah-faahin ah kama bixin qaabka loo maamulo deeqahaa iyo waxa lagu qabto. Sidoo kale masoo hadal qaadin Malaayiin Dolar oo Somaliland ay ka heshay Sanduuqa Somaliland Developmen Fund (SDF), kaas oo mad madaw baddi ka muuqdo qaabka loo maamulay iyo sida loo shaxeeyay, iyadoo aanay masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee uu ka mid yahay Wasiirka Qorshayntu oo maamula Mashriicaa marnaba tafaasiil ku filan ka bixin arrimaha ku xeeran habka loo maamulo dhaqaalaha Malayiin Dollar oo Somaliland ka hesho sanduuqa ay bixiyaan Dalalka Denmark, Britain iyo Norwey.

Qaar ka mid ah Masuuliyiinta dalalka Somaliland ka hesho Caawimooyinka ugu badan ayaa ka qaybgalay shirkaa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Safiirka dawladda Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Aagaard Anderson iyo madaxda Bangiga Horumarinta Afrika iyo hay’adda mucaawanooyinka u qaabilsan Ingiriiska ee DFID, waxayna masuuliyiintaa oo gunnaanadkii shirka hadallo ka jeediyey, waxya amaan u jeediyeen Xukuumadda Somaliland, taas oo u muuqatay in aanay waxbadan kala socon maamulxumada mashaariicda dhaqaalaha ay bixiyaan, balse ku qancay keliya qoraalo iyo warbixino qaab farshaxan iyo si qurxoon loogu soo bandhigay shirkaa oo indha sarcaaad ah.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta iyo Wakiiladda ka socday hay’addaha mucaawanooyinka siiya Somaliland ee shirk aka qaybgalay, ayaa dhinacooda ka warbixiyey xaddiga taageerada mid waliba ugu deeqo Somaliland iyo ujeeddooyinka horumarineed ee ay ka leeyihiin, balse may sharaxin ilaa heerka ay ka warqabaan in lacagtaasi gaadhay ujeedadii ay u bixiyeen iyo inay si sax ah u baxaday.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post