X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Iyo Saraakiil Bahda Garsoorka Somaliland Ah Oo Dalka Djibouti Kaga Qaybgalay Shir Ka Hadlaya Denbiyada Abaabulan

Araweelo News Network

Djibouti(ANN ) — Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali oo  ay weheliyaan Xubno ka mida Garsoorka, ayaa dalka Djibouti kaga qaybgalay shir Caalami ah oo la xidhiidha denbiya abaabulan ee ka talaaba xuduudaha.

 

Dhirkaa oo lagu qabtay Huteelka Caanka ah ee Kempinski, waxa kasoo qaybgalay saraakiil ka socday Hay’addaha Garsoorka ee Dalalka Djibouti, Kenya, Ethiopia, iyo UK, waxaana lagu lafa-guray sidii looga wada shaqayn lahaa denbiyadda abaabulan ee ka gudba xuduudaha Iyo sidii looga gaashaaman lahaa ee looga hor tegi lahaa.

 

Waftiga Somaliland ayaa maalmaha soo socda la saxeexan doonaan wadamada waxa luuqada qalaad lagu yidhaahdo matual legal assistance oo macnaheedu yahay inay wadamadani yeelan doonaan iyagoo ah dalal madaxbannaan xidhiidh dhanka iskaashiga sharciga ah  oo ka dhan ah Danbiyadda abaabulan sida in cadaymaha lays dhaafsado , taas oo loo arkay in ay tahay tallaabada qudha ee lagu yarayn karo Danbiyadda abaabulan.

Dhinaca Somaliland Weftiga ka qaybgalay shirkaa, ayaa  ka kooban 1. Guddomiyaha Maxkamadda Sare Proff Aadan Xaaji-Ali Ahmed

2. Garsoore Maxkamadda Sare Abdirahman Hassan Nur

3. Guddomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Ahmed Dalmar Ismail

4.Xeerilaaliyaha Gobolka Maroodijeex Mawlid Abdi Muuse Iyo saraakiil kale oo ka tirsan bahda Caddaalada Somaliland.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Proff Aadan Xaaji-Ali Ahmed ayaa wuxuu kulan Gaaban la qaadtay Madaxda garooska Djibouti, Kenya, Ethiopia, iyo UK.

Gebagebadii Shirka waxa la isla qaatay go’aamo la xidhiidha iskaashiga dhinaca sharciga ee denbiyadda ka dhaca xuduudaha dalalkaa.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post