X

Gudidda Doorashooyinka Somaliland Oo Tababar U Qabtay Hawl Wadeenada Doorashooyinka

 

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)- Gudidda Doorashooyinka Somaliland ee heer qaran ayaa bilaabay tababarka hawk wadeenada goobbaha loo dirayo, iyadoo xilliga Doorashooyinka ay ka hadheen wax ka yar laba toddobaad.

Hawl wadeenada loo furay tababarka ayaa ah kuwa loo dirayo gobolada dalka .

Sidaa awgeed Gudidda Doorashooyinka Qaranak Jamhuuriyadda Somaliland  ayaa maanta tababarka u furay hawlwadeenada heer-gobol iyo heer-degmo ee loo qorsheeyay Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururada ee loo balamay 13 November 2024.

Tababrkan oo lagu qabtay gobolada dalka ayaa noqonaya mid ahmiyad weyn u leh hawlaha Doorashooyinka.

Tababarka ayaa ka qayb galayaasha lagu marayay arrimo  ahmiyad weyn leh oo ay ka mid yihiin qodobada .

1. Habraaca Maamulka Natiijada Doorashada.
2-Habraaca maamulka Cabashooyinka Doorashada.
3-Xeernidaamiyaha Hubinta Codbixiyayasaasha Bu’da isha (IBVVS).

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post