X

Gudidda Anshaxa Oo Mamnuucay Olollaha Ceelafweyn Iyo WADDANI Iyo KULMIYE Oo La Ganaaxay

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)-Guddida Anshaxa iyo Kormeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saaray digniino iyo ganaaxyo lacageed ku xukumay Xisbiyada Waddani, Kulmiye, iyadoo labada xisbi laga joojiyay gebi ahaan isu soo baxyada habeenkii. sidoo kale magaalada Ceel-afweyn ayaa gebi ahaan laga mamnuucay isu soo baxyada Olollaha.

.

Gudidda Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka Jamhuuriyada Somaliland ayaa sababeeyay go’aamada ay qaateen iyo ganaaxa  la xidhiidha arimaha Ololaha Doorashooyinka.
1. Waxa ay Xisbiga Waddani iyo Kulmiye ka joojiyeen gebi ahaan isu-soo-baxyada iyo olalaha habeenkii.
2. Waxay ganaax 20 Milyan SL Shilling ah ku rideen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo Xisbiga Kulmiye u furay in ay ku ololeeyaan Khayriyada Magaalada Hargeysa, halka Xisbiyada kale na loo diiday habeenkoodii.
3. Waxa ay mar labaad uga digeen in Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasaddu ay Olole ka dhigaan magaalada Ceel-afweyn.

Gudiddu sidaa ku sheegeen war qoraal ah oo ay soo saareen maanta, waxayna ka digeen in la baalmaro Xeerka Anshaxa & Hab-dhaqanka Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Qoraalka kasoo baxay Gudidda anshaxa ayaa ahaa sidan:-

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post