X
    Categories: Warar

Gudida Mudada Laga Sugayay Kala Saarista Musharaxnimada Madaxweyne Ee Siyaasiyiinta Deegaanada Galbeedka Iyo Woqooyiga Hargeysa Oo Soo Afjaray Murankii Loolanka


Hargeysa(ANN)Gudida melaya Dadka Deegaanka Woqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa oo muddooyinkan ku mashquulsanaa inay kala saaraan Siyaasiyiin loolan ka dhexeeyay oo ku muaransanaa musharaxnimada Madaxweynaha ee Doorashooyinka mraka la gaadho dhamaadka mudada madaxweyne Siilaanyo, ayaa maanta soo afjaray muranka siyaasiyiinta ku loolamayay inay metelaaam musharaxnimada Madaxweynaha ee Deeaankaa u metelaya xisbiga Kulmiye. kadib markii ay kulamo gooni gooni ah la lahaayeen mudooyinkan Siyaasyiinta kala ha Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale iyo Wasiirka Arrimaha Debeda Maxamed Biixi Yioonis oo dhawaan kusoo biiray loolanka.
ma jiro war rami ah oo ay soo saareen gudidu, balse warar hordhac ah oo ay heshay shebekada Araweelo News Neteork, ayaa sheegaya in fadhi ay maanta ku yeesheen 24 xubnood oo ka mid ah gudidu cod gacantaag ah u qaadeen sadexdaa siyaasi, kaas oo natiijadii ku dhamaaday in 14 xubnood u codeeyaan Guddoomiye Muuse Biixi inuu yahay musharaxa deegaankaa ee doorashooyinka madaxtooyadda marka la gaadho dhamaadka mudada Madaxweyne Siilaanyo, Cabdicasiis Samaale ayaa helay 6 cod oo ka mid ah gudida, halka Wasiir Buiixi uu helay 1 cod, iyadoo laba xubnood ka aamuseen codayntaa, isla markaana aanu codayn guddoomiyaha gudidu, halka xubin ka mid ah gudidaa oo ka koban 25 xubnood aanu goobta joogin.
Go’aanka ayaa la filayaa inay si rasmi ah u shaaciyaan gudidu saacadaha soo socda, balse xoggo kale oo hordhac ah oo la xidhiidha arrimahaa ayaa u sheegay shebekadda Araweelo News Network inay shaacinta go’aankaa lagu kala reebay siyaasiyiinta saacadaha soo socda Salaadiinta kasoo jeedaa deegaankaasi mawqif midaysan ku taageerayaan, iyadoo 14 Suldaan oo ka mid ah la filayo inay soo saaraan mawqif midaysan oo ay ku taageerayaan go’aanka guddida.
Araweelo News Network
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
Somaliland Ofice Hargeysa

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post