X
    Categories: Warar

Guddooyaha Maxkamadda Sare Oo Ballanqaaday Hagaajinta Garsoorka

 

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Adan Xaaji Cali ayaa soo xidhay kulan lagaga xaajoonayey xal u helida caqabadaha hortaagan helitaanka adeeg caddaalad hufan oo maanta laga soo saaray talooyin muhiim ah.

Garsoorayaal, Garyaqaano, saraakiisha dawladda, Aqoonyahano iyo bulshada rayidka ah ee Somaliland oo 3-dii maalmood ee la soo dhaafay ka doodayey helitaanka arrimaha caddaaladda, sababaha asaasiga ah, caqabadaha iyo xalalka, ayaa soo bandhigay talooyin wax ka tari doona hagaajinta nidaamka Caddaaladda dalka.r

Kulankan oo talooyin kala duwan ka soo baxeen ayaa la filayaa in Ururka Xuquuqda Aadanaha ee (HRCSomaliland) isku soo dubarido, dhowaan warbixin ku saabsan ka soo saari doono, siduu sheegay Gudoomiyahooda Mr Guuleed Axmed Jaamac (Dalfac).

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Gudoomiyaha Guddiga Caddaaladda Prof Adan Xaaji Cali oo gebagebadii kulankaa soo xidhay ayaa ballanqaaday inay sii kordhin doonaan aqoonta dhamaan bahda Garsoorka JSl, waxaanu yidhi,

“Waxaan is-faham la gaadhnay todoba Jaamacood, sis are loogu qaado aqoonta bahda garsoorka. Waxa noo qorshaysan in shanta sannadood ee soo socda (insha alaah) in la waayo hawlwadeen garsoor aan aqoon lahayn,”

Waxuu faahfaahin ka bixiyey Gudoomiyaha maxkamadda Sare Prof Adan X Cali kaalinta haweenku kaga jiraan hawlwadeenada Garsoorka, waxaanu yidhi,

“Waxaan kordhinay boqolkiiba 70% saamiga haweenka ee Garsoorka. Baddi qeybaha maxkamadda Sare waxa hogaamiya haween, waxaan sidoo kale ku soo kordhin doonaa dhalinyarada kawlkarka ah. Dhinaca kaabayaasha, waanu kobcin doona, xilligan waxa socda dhismaha Maxkamada racfaanka Hargeysa

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Adan ayaa shaaciyey inay diyaar u yihiin horumar ay ku sameeyaan shaqooyinka ay bulshada u qabtaan, waxaanu yidhi,

“Waxaan diyaar u nahay in aanu ka mid noqono wada-hadalka caalamiga ah ee Cadaaladda, diyaar uma nihin in ciddla taagnaano. Waxaan ballanqaadayna hay’ad Garsoor ahaan, inaan hirgelino, dhamaan arrimaha naloo soo jeediyey. Aduunka wax dhamaytiran ma jiro, waa muhiim hagaajin, iyo inaad ogaato cilladahaaga.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post