X

Guddoomye Faysal Oo Ku Hanjabay in Somaliland Go’aankeeda Dib Loogu Noqonayo Haddii Madaxweyne Biixi Sidan Dalku Kusii Wado

Faysal Cali Waraabe, image file Araweelo News Network, 20 May 2019

Araweelo News Network.

“Madaxweyne ahaanmaysid Muusoow,,,,,,,” Faysal

Hargeysa(ANN)-Hoggaamiyayaasha labada Xisbi ee mucaaradka Somaliland, ayaa si weyn uga cadhooday hadalka Wasiirka warfaafinta, Saleebaan Cali Koore oo sheegay in xeerku furista Ururadu dhaqangal yahay xilli Axaddii xubno mudanayaal ah gollaha wakiillada ka keeneen mooshin.

Labada guddoomiye ee Xisbiyada mucaaradka oo warbaahinta kula hadlay caawa caweyskii magaalada Hargeysa, ayaa Madaxweyne Biixi u diray weedho nahjabaad ah.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si cadhaleh uga jawaabay hadalka wasiir saleebaan Cali Koore, wuxuu sheegay in hadalka wasiirku aannu ahayn mid masuuliyadeed.

Guddoomiye Faysal, wuxuu dhaliilo kulul iyo hanjabaad u jeediyay Madaxweyne Biixi, isagoo ku tilmaamay inuu qaeanka wadi kari waayay, balse aan laga yeelayn sida uu sheegay inuu bur-buriyo.

Laxidhiidha: Somaliland: Labada Xisbi Mucaarad Oo Dhawaaqyo Hanjabaado Iyo Digniinno Ah U Diray Madaxweyne Biixi

“Dalkan soddon sannadood halgan ayuu ku jiray, soddon sannadoodna citiraaf la’aan, haddii Madaxweyne Biixi iimaasan waayo shantii sannadood waxay noqonaysaa in dalkan dib loo eego, shacbigana waxaan leeyahay qof iyo qaran kala doorta, mana ahaanaysid hadaanad ixtiraamin shrciga iyo shacabka Somaliland, waana lagaa tashanayaa hadaad joojin weydo.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal.

“Muuse waxaan leeyahay hadaad qaranka wadi kari weyday ma bur-burunaysid, waana lagaa tashananayaa.” Ayuu raaciyay hadalkiisa guddoomiyaha UCID.

 Guddoomiyayaasha labada Xisbi ee mucaaradka WADDANI iyo UCID, waxayna si adag uga jawaabeen hadalka wasiirka warfaafinta ee la xidhiidha xeerka furista Ururada siyaasada iyo axsaabta ee Xeer L/r 14 2021.

Laxidhiidha: Somaliland: Sawaxan Iyo Buuq Ka Dhashay Waxyaabaha Laga Bedelay Xeer 14, Saamaynta Doorashooyinka Iyo Dhismaha Axsaabta

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa dhankisia sheegay in wax lalayaabo ay tahay hadalka wasiirka, wuxuuna sheegay in aan loo baahnayn xeerka madaxweynuhu soo celiyay ee gollaha la keenay in Wasiirku ka dhigo mid sharci ah oo dhaqangalay.

Guddoomiye Xirsi, wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa Kulmiye looga baahanyahay in ay sharciga iyo datuurka dalka ilaaliyaan oo ay ixtiraamaan.

Laxidhiidha: Shurruudaha Ku Xidhan Iyo Hannaanka Dhismaha Xisbiyada Oo Is Bedelka Lagu Sameeyay

“Doodda waxaa ka dhalanay in Maadxweynaha Khiyaamo qaran lagu ooggo, annagu waxaan leenahay kama xumin in la furo ururada ee miidaan waasac” ayuu yidhi, Guddoomiye Xirsi.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Faysal

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post