X
    Categories: Warar

Guddoomiyihii WADDANI Ee Saaxil Sheekh Saleebaan Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Arrimaha Loo Cuskaday Xadhigiisa

Berbera(ANN)-Gudoomiyihii Xisbiga WADADNI ee gobolka Saaxil Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana lagu macneeyay xadhigiisa in meherad ganacsi oo uu ku leeyahay magaalada Berbera lagu arkay Badeecad dhacday oo lagu iibinayo.


Xadhiga Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ee Saaxil, Sh. Saleebaan, waxa warbaahinta u xaqiijiyay madaxa Fayo-dhawrka Dawladda Hoose ee Magaalada Berbera Cabdirisaaq Maxamuud, wuxuuna ku siyeeyay mid la xidhiidha badeecad dhacday oo lagu iibinayay goob ganacsi oo uu leeyahay Sheekh Saleebaan.


“waxaanu Kaalintiisa ku qabanay Alaab dhacday, Alaabta la dhacday haddii Meheradu meel gaar ah iska dhigto waanu ka qaadna, haddii uu iibinayo oo talaagada ku jiro waxaanu ka qaadnaa ganaax, haddii uu diidana waa xabsiga, waxaanu diiday in laga qaado, isagoo noo sheegay inuu soo bedelayo haseyeeshee arrintaasi waan ka diiday sidaas baa lagu xidhay Saleebaan.” ayuu yidhi, Cabdirisaaq Maxamuud oo ah Madaxa Waaxda Fayo-dhawrka Dawladda Hoose ee Magaalada Berbera.


Sheekh Saleebaan, ayaa dhowaan si ba’an u dhaliilay Xukuumadda, wuxuuna maalmo kadib sheegay inuu ku biiray Xisbiga Mucaardka ah ee WADDANI, iyadoo markaa kadib loo magcaabay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee gobolka Saaxil.


Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, ayaan weli wax war ah kasoo saarin xadhiga Sheekh Saleebaan oo hore xilal uga soo qabtay Xukuumaddi Madaxweyne Siilaanyp, isagoo noqday Maamulaha Haamaha Shidaalka ee Berbera iyo sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.


Laba sanandood ka hor xilligii Ololaha tartanka doorashada Madaxtooyadda, wuxuu sheegay inuu ka baxay Xisbiga KULMIYE, oo ku biiray Xisbiga WADDANI, isagoo dhaliilay Madaxweyne Muuse Biixi oo xilligaa ahaa Murrashaxa KULMIYE, balse saacado gudahood ayuu dib ugu soo laabtay Sheekh Saleebaan Xisbiga KULMIYE, balse maalmihii lasoo dhaafay ayuu mar kale sheegay inuu ku biiray xisbiga WADDANI, waxaana loo magcaabay guddoomiyaha WADDANI ee gobolka Saaxil.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post