Inqilaabka Prof. Samatar Arrin Ku Cusub Dhaqanka Siyaasadda Somaliland Ee Ururada

#Araweelo_News_Network

 

Hargeysa(ANN)-Xubno ka mid ah Xubnaha hoggaanka Urur Siyaasadeedka Hilaac ee kusoo baxay tartanka Ururada Siyaasadda Somaliland, isla markaana xilligan isu diyaarinayay in Ururkoodu ka qaybgalo tartanka doorashooyinka la filayo 13 November 2024, ee loogu gudbayo Xisbiyada ayaa muujyay in guddaha Ururka uu ka jiro khilaaf soo jiitamay.

Qaar ka mid ah sida ay warbaahinta u sheegeen maanta Sabtidii xubnaha hoggaanka Ururka hoggaamiyo, ayaa muujiyay inuu jiro khilaaf soo jiitamay oo muddooyinkan ka jiray hoggaanka Ururka, taas oo sida ay sheegeen ugu danbayntii sababtay in xilka Guddoomiyaha laga qaado Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, oo ahaa aasaasaha Ururka.

Xubnahaa ayaa warbaahinta u sheegay innay suurta gal noqon weyday innay Guddoomiyaha Ururka ku qanciyaan sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen innay nasiibkooda ka qaadaan tartanka doorashooyinka November si ay ugu gudbaan Xisbi.

Hase yeeshee waxay sheegeen in dhacdooyin uu ku tallaabsaday Prof. Samatar oo ahaa Guddoomiyahooda Ururka “Hilaac” oo sababay in muuqaalka siyaasadeed ee Ururka ay dhaawacaan iyo go’aankiisa ku keliga noqday ee uu ku diiday inuu ka qaybgalo tartanka Ururkoodu ay isku fahmi waayeen, isla markaana kulamo baddan oo ay isugu yimaadeen hoggaanka sare iyo Guddoomiye Samatar isku fahmi waayeen, isagoo ku adkaysatay mawqifkiisa diidmada ah ee diidmada ka qaybgalka doorashooyinka.

Sidaa awgeed waxay sheegeen in Prof. Samatar aannay ku qancin qaabka uu doonayay innay ku iibiyaan Ururkooda, isla markaana uu dalka ka dhoofay oo ku laabtay Maraykanka, iyadoo aannu marnaba ku qancin qorshaha u qarsoon, taas oo ay sheegeen in markaa kaddib ay qaateen hoggaanka Hilaac in xilka guddoomiyaha laga xayuubiyo Gudoomiyihii Urur Siyaasadeedka “Hilaac”Prof. Axmed ismaaciil Samatar, isla marakaana ay wixii hadda ka danbeeya isu diyaarinayaan sidii Ururkoodu ugu diyaar garoobi lahaa ka qaybgalka tartanka doorashooyinka November ee doorashooyinka Ururada siyaasadda iyo  Madaxtooyadda.

Waxa kale, oo ay xubnahan xuseen in maalmaha soo socda ay dooran doonaan hogaankii Ururka sii wadi lahaa si ay uguu diyaar garoobaan hawlaha doorashooyinka ee soo socda.

Dhacdadan Siyaasadeed ayaaah mid ku cusub Ururada Siyaasadda oo markii saddexaad la doonayo innay u tartamaan sidii ay ugu gudbi lahaayeen Xisbiyo qaran, tan iyo markii ay Somaliland qaadatay nidaamka doorashooyinka iyo tartanka Ururada iyo Axsaabta ee 2002, waxaase la sugayaa jawaabta uu ka bixiyo Prof. Samatar in laga qaaday Guddoomiyihii Ururka Hilaac ee uu aasaasay.

Muuqaalkan ka Daawo Mawduuca Xilka Laga Xayuubiyay Prof. Samatar.