X
    Categories: Warar

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Oo Kasoo Horjeestay Xilka Madaxweyne Farmaajo Ka Qaaday

Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN)-Khilaaf siyaasadeed, ayaa ka dhashay xil ka qaadis uu Madaxweynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare  Ibraahim Iidle Saleebaa. Kadib markii shalay uu xilka ka qaaday Madaxweyne Farmaajo.

 

Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa Idaacadda Voa laanteeda Afka Soomaaliga u sheegay in xilka qaadistaas lagu sameeyay ay tahay mid aan sifo sharci ahoo marin,isla markaana isagu uu weli yahay guddoomiyaha Maxkamada Sare.

Waxa uu sheegay in dastuurka dalka uu dhigayo kal qeyb sanaanta awoodaha sidaas darteedna garsoorku uu ka madax banaan yahay laamaha kale ee dowladda,isla markaana uu weli yahay guddoomiyaha maxkamada sare Shaqooyinkiisa Dastuuriga ahna uu wadanayo sida uu hadalka u dhigay.

Xil ka qaadistii lagu sameeyey guddoomiyihii maxkamada sare ayaa abuurtay  khilaaf cusub  waxaana ka hadlay qaar ka mid ah xildhibannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka hor yimid xil ka qaadista madaxweyne Farmaajo ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Saleebaan.

Xildhibanada kasoo horjeestay xil ka qaadista waxa ka mid ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Baarlamaanka Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay in uu xuso qodobadda Dastuurka ama Xeerarka garsoorka ee uu u cuskaday xilka qaadista garyaqaan Iidle.

“Haddii dasturki aan la cuskan ama garsoorki xeerarkiisa aan la raacin waxay noqoneysaa in arinkaasi sida ugu dhaqso badan baarlamanka ka fadhiisto…” ayuu yidhi Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa ku dooday in loo baahnaa in madaxweynaha uu faro xukuumadda inay dedejiso soo hordhigida baarlamanka ee Guddiga Adeegga Garsoorka oo marki u dambeysay ay codsatay in bil gudaheed ay ku keeni doonto barlamanka, si guddigaasi uu ugu soo gudbiyo xukuumadda qofka qaban kara xilalka garsoorka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post