X
    Categories: Warar

Guddoomiyihii Hore Ee Banaadir Oo Sheegay In Hay’addaha Amaanka Somalia Fashilmeen

Araweelo News Network
Mogadishu(ANN)Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Nuur Tarsan ayaa shaaciyay in taliska Nabad sugidda DF-ka uu ku fashilmay sugidda ammaanka magaalada Muqdisho kadib markii xoogaga Al Shabaab ay caasimadda ka fuliyeen weerraro xidhiidh ah.

Tarsan, wuxuun sidaa ku sheegay wareysi uu siiyay Idaacadda VOA-da laanta afka soomaaliga, wuxuuna si gaar ah ugu eedeeyay amaanka sii xumaanaya e Mogadishu ayaa ku Cabdiraxmaan Tuur Yare oo ah taliyaha Nabad sugidda qaranka.

“Ammaanka Muqdisho meesha uu marayo cid walba waa ujeedaa,in maanta ladhaho nabad sugidda waxaa la hoos geeyay gobolka Banaadir waa fakasho laga fakanayo mas’uuliyadda fashilka jira mana aha wax dastuurka waafaqsan”ayuu yidhi Tarsan.

Guddoomiyihii hore ee Banaair, wuxuu ku eedeeyay mas’uuliyiinta DF-ka in aanay lahayn wax khibrad ah oo ku saabsan arrimaha ammaanka, wuxuuna Mr. Tarsan tusaale usoo qaatay caqabadihii uu kala kulmi jiray wasiirka ammaanka xilligii uu xilka hayay.

“Dalka oo dhan kama shaqeeyo, Hey’addaha Amniga meesha ay joogaan oo ay ku howl galaan waa Muqdisho, markaa haduu maanta dhaho Muqdisho ayaan ka tagayaa, gobol kalena waan aadayaa waa Socon waayay aan roorno waaye”ayuu yidhi Tarsan.

Hadalka Taran, ayaa kuso beegmay xilli qaraxyo is xigxigay ay Jimcihii lasoo dhaafay ka dhaceen magaalada Muqdisho waxayna qaraxyadaasi sababeen khasaara dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo xaalada amaanka muqdisho sii xumaatay muddooyinkii u danbeeyay.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post