X
    Categories: Warar

Guddoomiyihii Gudida Dib U Eegista Dastuurka Somalia Oo Is Casishay Iyo Arrimaha Sababay Ee Ay Kashiftay

Gaalkacayo(ANN)Guddoomiyihii guddiga madaxa-bannaan ee dib- u- eegsta Dastuurka KMG-ka ah ee Soomaaliya Caasho Geelle Diiriye, ayaa maanta kag dhawaaqday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug inay iska casilay xilkaa.

Caasha Geelle oo warbaahinta kula hadashay Gaalkacayo, waxay ku sababaysay xilka ay iska casishay lix qodob oo ay warbaahinta u akhriday, waxayna qoraalkeeda ku tidhi sidan:-

1. Waxaan Shaqsiyan Odorasay in aanay Sahlanayn Dhameystirka Dastuur loo wada dhan yahay xilliga kooban ee noo hadhay, iyadoo ay isi soo tarayaan xaalado siyaasadeed oo cakiran oo dalka ka jira, kuwaas oo kala-fikir duwanaashaha fasiraadda qodobbada dastuurka qaarkood, u heelanaan la’aanta sarreynta Dastuurka Qaran oo dhameytiran oo aan ka hor-imanayn dastuurada ay maamullada dalku gaarka u leeyihiin.

2. Inkastoo aanu Caad-ku-rogneyn inay Dalka ka jiraan Duruufo adag oo aan kala dhib yarayn, haddana waxaa cad inaan qorshe fiican horay loogu samayn Dastuurka Qaran iyo dhameytirskiisa oo aan mudnaan fiican helin.

3. Xubnaha guddida madaxa-bannaan laftooda ayaa gaabiska iyo kala faa,ideysi la’aantooda qayb ka ah; maadaama inteenna baddan aanan dalka gudihiisa deegaan ku lahayn, waanan ku kala duwannahay aragti suurta-galnimada ku shaqeynta iyo ku milmidda duruufaha adag ee dalka ka jira, dhexgalka bulshada ka faa’ideysashada iyo soo dhowaynta u heelanaanta xirfadaha kala duwan leh iyo isticmaalka aqoonta iyo fursadaha laga heli karo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si loo dedejiyo geeddi-socodka dastuurka, taasoo keentay inaan waqti u garbo-duubnaano fursado aan muuqan goorta ay imaanayaan.

4. Guddida madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka KMG ee sida magaca uu tilmaamayo aan keligeen go’aan ka qaadan karin billowga iyo dhameystirka Dastuurka oo ay ku wehliyaan hay’addo kale oo dastuuri ah oo aan qorsheynta iyo dhameystirka shaqada hormuud ka ah, ha yeeshee marka gaabis-yimaado cida kaliya ee farta lagu fiiqayo fashilkii ka yimaadana qaadanaysa waa guddigeenna oo loo igmaday inay dib u eegaan dastuurka aniguna aan guddoomiyaha u ahaa.

5. Dhaqaalihii uu u baahnaa in lagu dhameystiro dastuurka oo Af ahaan ay hadal-hayntiisu baddan tahay, balse ficil ahaan aan la suuro-gelin.

6. Waxaa jira daneeyayaal baddan oo aan isla socon; Qorshayaal kala duwanna ka leh dib u eegista dastuurka, kuwaasoo laftigoodu caqabad hor leh ku noqon kara in lagu guuleysto Dastuur dhameytiran oo hishiis lagu yahay oo dalkan loo helo.

Dhawaaqa Marwo Caasha Geelle Diiriye oo ahayd Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee dib- u- eegsta Dastuurka KMG-ka ah, waxay is casilaadeedu kusoo beegantay xilli uu Madaxweynaha Somalia ku doodayo in qorshaha Beesha Caalamka ee Higsiga 2016, ee Somalia uu meel fiican marayo.

Sidoo kale waxay arrintan kusoo beegantay maalmo kadib markii magaalada Garoowe lagu saxeexay heshiis ay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira qaarkood wada gaadheen oo la xidhiidhay qorshaha Higsiga 2016.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post