X

Guddoomiye Xisri Oo Tilmaamay Dhibaatooyinka iyo Caqabadaha Ku Xeeran Axsaabta Qaranka iyo Nidaamka Dawladnimada

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ugu baaqay xukuumadda in la ilaaliyo xasiloonida iyo midnimadda Jamhiiriyadda Somaliland, isagoo Komishinka doorashooyinka qaranka usoo jeediyay in ay doorashooyinka wakhtigeedii ku qabtaan.

Guddoomiyaha cusub, wuxuu sheegay in xisbi ahaan ay diyaar u yihiin in kommishanka qaranka ay ku garab galaan sidii ay shaqadooda u gudan lahaayeen.

Khudbad dheer oo uu ka jeediyay maddasha shirka markii xilka loo doortay, wuxuu kaga hadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha qorshaha hoggaanka loo doortay, mustaqbalka iyo himilada uu doonayo inuu gaadhsiiyo xisbiga.

Mar uu ka hadlayay dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran axsaabta qaranka iyo nidaamka dawladnimo, wuxuu sheegay in ay badan yihiin caqabadaha dabarka ku ah horumarkii xisbi iyo dawladnimo guud ahaan.

 “Sida aynu la wadaagno xisbiyada kale ee dalka, qaabka xisbiyadu u dhisanyihiin maanta waxa aad moodaa in wixii ugu horayn lahaa ee saldhiga u noqon lahaa jiritaankoodu uu meesha ka maqanyahay, waa mabaadiidii siyaasadeed (Political Ideology ) mana hawl yara hirgelinteedu marka la eego meesha aynu marayno iyo waayaha aynu la noolahay, waxase aanu isku dayaynaa in aanu abqaalo oo dhisno dariiqii lagu gaadhi lahaa, muhiimad weyna waxaan siindoonaa kobcinta iyo kor u qaadida aqoonta hawl wadeenada xisbiga.” Ayuu yidhi.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay sababta Cabdulqaadir Jire uga tanaasulay guddoomiyanimada xisbiga inuu ku tartamo,  “Cabdulqaadir Jirde, wuxuu ka tanaasulay musharaxnimadii guddoomiyaha xisbiga, wuxuu ahaa qofkii ugu mudnaa, waad garanaysaan inta uu siyaasada ku soo jiray, wuxuu ka midyahay dadka dastuurka Somaliland ku saxeexan ee tacabka geliyay.

“ Waa nin qaran oo cidiba iskuma khilaafto, haddii in uun birmageydo siyaasadeed jirto wuxuu noqon lahaa dadka ugu horeeya, waxaa yaab leh in qaar yidhaahdaan waa lagu iibsaday, lacag baad qaadatay iyo hadalo aad u rakhiis ah, waxaa meesha ka maqan qiimayntii toolmoonayd ee qofka xilka diida, ka is dhawra iyo kan qaranimada ilaaliya lagu qiimayn laha, waa waxa afka qalaad lagu yidhaahdo (value is more expensive than any price) waxaa jirta iyaduna odhaah Hadraawi lahaa “Dushooda ma eegayaan, dunuunuc bukay liqeen, dalqay wax ku eegayaan, dil bay u hamuumayaan”

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post