X

Guddoomiye Xisri Oo Soo Bandhigay Qodobo Dastuurka Iyo Xeerarka Dalka Oo Madaxweyne Biixi Si Badheedha Ah Ugu Tuntay

Hoggamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANi, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Image Araweelo News Network, 28 Oct, 2021.

Araweelo News Network.

“Ma Aqbalayno Sharcidaro Shacbigu Waa In Ay Diidaan Sharcidarada” Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xisri Cali Xaaji Xasan

Waa Wax Lala Yaabo in Madaxweynuhu Farmaajo ku ceebeeyo wuxuu isagu samaynayo,”

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa soo bandhigay caddaymo dalliil u ah in Madaxweyne Biixi ku tuntay dastuurka iyo xeerarka dalka, isagoo guddoomiye Xirsi soo qaatay qodobada Dastuurka iyo xeerarka.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee WADDANI, wuxuu sidaa ku sheegay mar uu maanta warbaahinta la hadlay, isagoo si cad u sheegay in Madaxweynuhu ku tuntay Dastuurla iyo xeerarka dalka, isla markaana loo baahan yahay in hay’addaha sharcigu la xisaabtamaan.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiyaha xsibiga mucaaradka ee WADDANI, wuxuu sheegay in Madaxweynuhu dalka ku maamulo digreeto oo meel iska dhigay Dastuurkii iyo xeerarkii dalka, wuxuuna shacbiga ugu baaqay in aanany aqbalin sharcidarada.

 “Madaxweynuhu haddii uu sharciga ku tunto oo ixtiraami waayo sharciga iyo xeerarka dalka ma yeelanayo maamuus Madaxweyne.”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee WADDANI, waxa taxay gefafka dastuurka ee uu sheegay in Madaxweyne Biixi galay iyo xeerarka uu ku gefay ee dalka, isagoo ku bedelay digreeto sida uu sheegay.

 Guddoomiye Xirsi oo ka hadlaya qodobada Dastuurka ee Madaxweyne ku gefay iyo xeerarka uu baal maray halkan ka Daawo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post