X

Guddoomiye Xirsi Oo Madaxweyne Biixi Ugu Digay In Fawdada Dalku Kusii Socdo Uu Masuuliyadeeda Yeelanayo

Hoggamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANi, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Image Araweelo News Network, 28 Oct, 2021.

Araweelo News Network.

Waa yaabe ma laba Madaxwayne ayaa Dalka ka jira? Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ugu digay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi inuu dalka geliyo qalalaase iyo fawdo geliyo, “Madaxweyne haddii aad fawdadan kusii socoto u diyaar garaw masuuliyadeeda ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee WADDANI, ayaa yidhi, “Madaxweyne shacbigan sicir-bararka iyo abaaruhu ku habsadeen ayaa ku sugayee intaad yooyootanka ka baxdo dadkaaga u shaqee oo doorashadii Madaxtooyadda ka shaqee,” sidaa ayuu Guddoomiye Xirsi ku yidhi, qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay shebekadda Facebook.

Qoraalka uu Guddoomiye Xirsi ku shaaciyay Facebook, wuxuu daba socday jawaabta Madaxweyne Biixi Khamiistii ka bixiyay dhawaaq Murrashaxa Xisbiga Mucaaradka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo markii uu dalka kusoo laabtay si weyn ugu dhaleeceeyay Madaxeyne Biiixi inuu fara-gelin ku hayo gollaha wakiillada, isagoo sheegay in fara-gelintaasi sababtay in aannu golluhu fadhiisan muddo laba todobaad ah, wallow Madaxweynuhu isaka beri-yeelay eeddahaa.

Laxidhiidha: Somaliland: Madaxweyne Biixi Jawaabta Mucaaradka

Hase yeeshee Guddoomiye Xirsi oo daba socda jawaabta Madaxweynaha, ayaa ku eeddeeyay Madaxweynaha inuu ku tumanayo sharciga, ““Madaxweynuhu waxa uu ku tumanayaa sharcigii iyo dastuurkii ummaddu ku heshiisay, ee isaga laga doonayey inuu ilaaliyo oo uu dhawro. Hadalkiisii shalay (Khamiistii) iyo kii uu u soo dhiibay Wasiirkiisa Warfaafinta, labaduba waxa ay daliil u yihiin in Madaxweynuhu meel iska saaray sharcigii dalka ee uu Madaxweynaha ku ahaa, isaga oo doonistiisa shakhsiga ahna doorbiday ilaalinta sharciga dalka.”

Guddoomiye Xirsi, wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi Afar sannadood ka hor doorashadii Madaxtooyadda ku olloleeyay inuu sharcigu saraynayo, balse waxa uu ku eeddeeyay Madaxweyne Biixi in Afartii sannadood ee xilka hayay caaddo ka dhigtay ku tumashada sharciga iyo fara-gelinta hay’addaha dastuuriga ah.

“Madaxweynuhu waxa uu farriin faro-gelin qaawan ku ah Gollaha Wakiillada u soo dhiibay Wasiirkiisa Warfaafinta oo warbaahinta si cad uga sheegay isaga oo ku hadlaya afka Madaxweynaha inuu dhaqangal yahay wax-ka-beddelka iyo kaabista  xeerka nidaamka Ururrada siyaasadda iyo ansixinta Axsaabta qaranka oo Gollaha Wakiillada hor yaalla, taasina waxa ay ka soo horjeeddaa qodobka 37aad ee dastuurka Somaliland oo caddaynaya kala madax-bannaanaanta haayadaha Qaranka.” ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

Guddoomiye Xirsi, wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi mar kale ka hadlay (Xeer L/r 14 2021.), kaas oo weli gollaha horyaal, iyadoo Madaxweynuhu sheegay inuu saxeexay, “Madaxweynuhu Xeerka uu leeyahay waan saxeexay ee gollaha kusoo celiyay, wuxuu soo raaciyey soojeedin la xidhiidha in ay wax ka beddelaan qodob Xeerkaasi ku jira oo Dastuurka ka hor imanaya. Haddaba, waa yaabe ma laba Madaxwayne ayaa dalka ka jira? Mid xeerka saxeexay iyo mid Golaha Wakiillada ku soo celiyey!” ayuu yidhi.

Wuxuu ku tilmaamay Madaxweyne Biixi inuu ku dawakhay hoggaamintii dalka, isla markaana aannu qaadanayn taladii sharciyaqaanada.

Laxidhiidha: Cabdiraxmaan Cirro Oo Ku Hanjabay In Muuse Aanu Madaxweyne Ahaanayn Oo Madaxweynayaashu Furnaan Doonnaan

“Mudane Madaxweyne, dalka fawdo ha gelin, inaad xeerkii ku hor yaallay aad Gollaha Wakiillada kusoo celisaa waa awood aad leedahay, hase yeeshee inaad ka daba timaaddo awood uma lihid, waa fawdo, waa jaah-wareer kaa muuqda in aannad fahamsanayn xeerarka iyo dastuurka ama aanad dan ka lahayn.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post