X

Guddoomiye Xirsi Oo Ka Hadlay Waxa Ay Weydiiyeen Ciidanka CID iyo Jawaabaha Uu Ka Bixiyay

Hoggamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANi, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Image Araweelo News Network, 28 Oct, 2021.

Araweelo News Network.

Waan Xusuustaa Muuse annigoo gurigiisa ugu tegey, iyadoo ciiddamada amaanku u yeedheen oo uu labaatan inan oo qorya sita u yeedhtay, annagu tii yeelimayno shariga ayaanu ilaalinaynaa” Guddoomiyahe Xirsi.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay waxyaabaha uu kala kulmay kaddib markii maanta looga yeedhay xarunta Baadhista Denbiyada ee CID (Criminal Investigated Department).

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, markii uu saaka tegey xarunta Baadhista Denniyada ee Hargeysa, waxa weheliyay Murrashaxa Xisbiga WADDANI ee u taagan doorashada Madaxtooyadda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro), saraakiil ka tirsan xisbiga iyo taageerayaasha qaarkood oo ay weheliyaan qaar ka mid ah weriyayaasha ayaa goobta yimi.

Hase yeeshee Guddoomiye Xirsi oo markii uu kasoo baxay xarunta CID ee magaalada Hargeysa la hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay in ay saraakiisha uu kula kulmay halkaa weydiiyeen su’aalo aannay xaq ugu lahayn, isla markaana ay ahayd arrin ku cusub Somaliland oo markii u horraysay guddoomiye Xisbi qaran oo sharci ah looga yeedho xarunta CID.

“Waxay ahayd dhacdo cusub in guddoomiye Xisbi looga yeedho xarunta CID, laakiin annagoo sharciga dabakhayna oo doonayna in aanu muujino in aanu sharciga ilaalinayna ayaanu tagnay anniga murrashaxa Madaxweynaha, waxaan la kulmay saraakiisha uu ugu sareeyo Taliyaha, waxay I weydiiyeen so’aalo aannay xaq iigu lahayn oo aan u arlayay in aan xaq laygu lahayn.” Ayuu yidhi, Guddoomiyaha WADDANI.

Mar uu ka hadlayay Guddoomiye Xirsi, su’aalaha ay weydiiyeen Taliyaha iyo saraakiisha xarunta CID, la xidhiidheen hadalkii u danbeeyay ee uu saxaafda ka jeediyay ee uu kaga hadlayay Madaxweyne Biixi, sidaa awgeed wuxuu ku dooday in ay arrintu u muuqatay ha hadlina, maxaad u hadasheen, dalku waa dimuqraadi, annaguna liisan ayaanu u sidanaa hadalka,ayuu raaciyay.

 “Waxay I weydiiyeen maxaad u tidhi, “Madaxweynuhu shuruudihii dastuurka ku qornaa ay calaamatu su’aal saaran tahay, waan u sheegay in aan aaminsanahay, inuu haysto Madaxweynuhu waan u sheegay oo aan caddaynayo,  haddana waan u sheegayaa, waxay muujinaysay caga- juglayn iyo in culays la saaro xisbiyad xorriyadii ay u lahaayeen in ay kaga hadlaan waxa khaldan in culays la saaro, waxaase diiday Dastuurka iyo xeerarka dalka, wuxuuna tilmaamayaa xeerka Xisbiaydu in aan la cabudhin karin.” Ayuu yidhi.

Laxidhiidha: Guddoomiye Xisri Oo Soo Bandhigay Qodobo Dastuurka Iyo Xeerarka Dalka Oo Madaxweyne Biixi Si Badheedha Ah Ugu Tuntay

Sidoo kale, Guddoomiyaha WADDANI, Xisri, wuxuu sheegay in uu la yaabay markii ay Taliyaha CID, iyo saraakiishu weydiiyeen “maxaad u tidhi, “sharcidaro ha yeelina,” hadda ayaan leeyahay sharcidaro ha yeelina, ma waxaad ku dhiirigelinaysaan sharcidarada, muwaadiniinta Somaliland waxay u hoggaansamayaan sharciga iyo datuurka dalka iyo shareecada, laakiin in la yidhaahdo sharcidaro aqbala waa kow, ayaa yidhi, Guddoomiye Xirsi.

Waxa uu sheegay in dhammaan su’aalaha la weydiiyay u muuqdeen kuwo la doonayo in Xisbiyada lagu cabsi geliyo si aan looga hadal dalbaha xukuumadda iyo majaraha khaldan ee ay ku socoto, balse wuxuu sheegay in aannay taasi ahayn mid ay aqbalayaan in ay ka aamusaan dhaliilaha xukuumadda oo aannay jirin cid ku khasbi karta in ay ka aamusaan mucarad ahaan.

“Madaxweynuhu ciiddamada wuxuu u adeegsnayaa siyaasad, isagoo leh kii ila hadlaba u yeedha oo su’aalo weydiiya, su’aalaha kama baqayno, waanu ka jawaabaynaa, Annagu sharciga ayaan u hoggaansamaynaa, sharcidarona cidna ka yeeli mayno, waa nalloo yeedhi karaa ciidamadda iyo hay’addah amaankana waa u hoggansamaynaa ee maalinta lagu yeedho haw hoggansami waayin, waxaan xusuustaa Muuse annigoo gurigiisa ugu imi, iyadoo ciiddamada amaanku u yeedheen oo uu labaatan inan oo qorya sita u yeedhtay oo ay gaadh ka hayeen, annagu tii yeelimayno shariga ayaanu ilaalinaynaa, ayaa yidhi, Guddoomiye Xirsi.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post