X
    Categories: Warar

Guddoomiye Ramaax Oo Ka Hadlay Dablay Weerartay Isaga Iyo Guddoomiyaha Sanaag Ee Lagu Beddelay

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Awdal Maxamuud Cali Ramaax (Ina Cali Hayste), ayaa ka waramay weerar koox dhalinyaro ah oo hubaysan ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan isaga iyo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Sanaag.
Guddoomiye Ramaax oo waraysi arrintaa ku saabsan siiyay Telefishanka madaxa banaan ee BulshoTV, wuxuu sheegay in kooxdaa dhalinyarada ah oo hubaysan, isku dayeen inay dhawr goor soo dhexgalaan wefdigooda. Kadib xil wareejintii gobolka Sanaag, balse ay ciidanka Boolisku fahmeen oo ay qabteen iyaga iyo gaadhigii ay wateen ka hor intii aanay qorshohoodii ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan fulin.
“dhawr goor ayay gaadiidkayaga soo kala dhexgaleen, waana dareensanayn oo waxay doonayeen inay na joojiyaan, balse Booliska, ayaa markii ay gaadhigii ay wateen joojiyeen ee ay damceen inay ka degaan qabtay, waxaana laga qaaday qoryihii ay siteen iyo gaadhigii, waana u mahad celinayaa Booliska tallaabada ay qaadeen, waana arrin aanan garanayn oo wax naga dhexeeyay raggaa dhalinyarada ah may jirin.”
Guddoomiye Ramaax, wuxuu sheegay in aanu garanayn ujeedada ka danbaysa falkaa oo aanu cidna ku eedaynayn, balse baadhista arrintaa laga warsugayo oo aanu ka hordhacayn. “Ma garanayo inay aniga ii socdeen iyo inay guddoomiyaha cusub ee Sanaag u socdeen, sababtoo ah gaadhi, ayaan wada saarnayn, mana rabo inaan baadhista ka hordhaco”ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax oo la weydiiyay cidda ay u socdeen dhalinyaradaa hubaysan ee doonayay inay waxyeelo u geystaan.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post