X
    Categories: Warar

Guddoomiye Muuse Biixi Oo Qiray Jiritaanka Shir Qasriga Madaxtooyadda Somaliland Ku Dhexmaray Madaxweynaha Iyo Xubno Wasiiro Ah

Hargeysa(Arraweelo.com)Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Talada haya Muuse Biixi Cabdi, ayaa qiray jiritaanka Shir Madaxweynaha iyo xubno wasiiro ah ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo uu goob joog ka ahaa, kaas oo warar Sabtidii Todobaadkan ay qoreen Wargeyska Kasoo baxa Hargeysa qaarkood oo sheegayay in Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay murrashaxnimada doorashada Madaxtooyadda ee soo socota oo aan weli waqtigeeda la cayimin, balse la filayo in ay dalka ka dhacdp 2015.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay maanta magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu isagu goob-joog ka ahaa shirka la sheegay in Madaxweynuhu ka shaaciyey inuu ka tanaasulay tartanka doorashada, balse waxa uu sheegay in aan marnaba Afka madaxweynaha laga hayn arrintaasi.

“Shir aan joogay oo aan ogahay oo Madaxweynuhu yidhi arrintaas waan ka tanaasulay ama go’aankaas uu ka sheegay habayaraate ma jiro, warkaasi mid jira maaha, meel aan joogay oo arrintaas lagu soo qaadayna ma jirto, sideedana arrintaasi mid jirta maaha,” ayuu yidhi Biixi.

Guddoomiyaha Kulmiye, ma sheegin waxyaabaha lagaga hadlay shirkaa oo maalmihii u danbeeyay aad loo hadal hayay, balse waxa kale oo uu ka hadlay qabsoomidda doorashooyinka iyo arrimaha ku gaddaaman isagoo xusay in go’aan ka gaadhistooda ay leeyihiin Guddiga Doorashooyinku, waxaannu yidhi, “Horta doorashada waqtigeeda iyo goorta la qabanayo cidbuu sharcigu siiyay, ciddaas uunba ka hadli karta, waana Komiishanka doorashooyinka, iyagaa sharcigu siisay inay cayimaan maalinta doorashada la qabanaayo hadday soo hormarayso iyo hadday dib-u-dhacayso iyagaa awooddaa leh. Annagu farogalinmayno, laakiin xisbiga KULMIYE iyo xukuummadiisu waxaannu caddaynaynaa wixii hawlo ahaa ee ku xidhnaa in aannu dhammaynay, hadday sharcigii tahay waannu dhammaynay, Komishankii waa la magacaabay, dhaqaalihii waa la sameeyay, markaa xagga doorashada annaga wax nagaga laabani ma jiro.”

Hase yeeshee mar uu ka jawaabayay Su’aal la xidhiidhay arragtidiisa xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka, wuxuu yidhi, “Xubnaha Guddida Doorashooyinka sharciga ayaa qaybiyey sida loo soo magacaabo, saddex madaxweynaha ayaa soo magacaaba oo waa inta u badan, laba waxa soo magacaaba Golaha Guurtida, labana waxa keena xisbiyada mucaaradka ah, waana siday ahaan jirtay, dad muddakar ah oo rag iyo dumar leh oo badankooda la wadagaranayo oo masuuliyiin hawshaasna qaban kara weeyaan, waanan ku kalsoonahay,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Araweelonews
Somaliland Office
arraweelo.com@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post