Araweelo News Network

Soodhowayntii KULKIYE

Soodhowayntii KULKIYE


Burco (ANN) Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee muxaafidka Muuse Biixi iyo wefdi uu hoggaaminayo maanta gaadhay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa la kulamy soo dhowayn balaadhan. kadib markii kumanaan qof oo ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Burco kusoo dhoweeyeen halkaa.

Muuse Biixi oo faras la siiyay fuushan

Muuse Biixi oo faras la siiyay fuushan


Guddoomiye Muuse oo booqashadiisa ay ku weheliyaan xubno ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga, Wasiiro ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, xidhibaanno iyo masuuliyiin kale oo baddan, waxa ujeeddada booqashada wefdiga lagu tilmaamay mid la xidhiidha wacyigelinta dadweynaha ee diiwaangelinta.
Kumanaan dadkii soo dhoweeyay wefdiga Guddoomiye Muuse Biixi Magaalada Burco

Kumanaan dadkii soo dhoweeyay wefdiga Guddoomiye Muuse Biixi Magaalada Burco


Murrashaxa Madaxweynaha ee KULMIYE, wuxuu magaalada Burco kala kulmay soo dhawayn si weyn shucuurta dareenkiisa usoo jiidatay, iyadoo magalada Burco tahay meelaha xsibiga KULMIYE, taageerayaashiisu ku xooggan yihiin.
Mawjado dad ah oo ruxayay Calanka Xisbiga iyo boodhadh lagu xardhay halkudhegyo waaweyn, ayaa ayay taageerayaashu ugu muujiyeen cududooda weftiga Guddoomiyaha KULMIYE, kuwaas oo kaga hortegey wefdiga Qoyta oo qiyaastii 20 KM, dhinaca Woqooyi kaga beegan magaalada Burco.

Madaxda Xisbiga ee Gobolka iyo masuuliyiinta heer degmo, ayaa door weyn lahaa soo dhowaynta weftiga, waxayna Taageerayaasha KULMIYE, oo watay boqolaal gaadiid ah oo lagu xardhay calanka xisbiga ee middaba Hurdiga iyo Akhtarka ka kooban iyo sawirrada Murrashaxiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, ku qaabileen soo dhowayn layaab leh.
Abwaan Hurre Walanwal oo ka mid ahaa Odayaasha ugu caansan, isla markaana ah Abwaan si weyn looga yaqaan deegaanka, ayaa Guddoomiye Muuse iyo wefdigiisa oo ka hor intii aan dhinaca Magalada Burco loo gelbin gudoonsiiyay Faras uu hadyad ahaan u siiyay Guddoomiyaha Muuse Biixi.

Maayarka Degmada Burco Maxamed Yuusuf (Muraad), oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay madasha wefdigu dadweynaha kula ghadleen, ayaa sheegay in xaddiga faraha dadweynaha soo dhaweeyey madaxda KULMIYE ka turjumayso taageerada reer Burco u hayaan xisbiga iyo murrashaxiisa cusub ee Madaxweynaha Md. Muuse Biixi oo uu halkaasi uga ballanqaaday inuu magaalada Burco oo keliya gacanta ugu hayo konton kun oo cod.

“Saddexda xisbi way tartamayaan, laakiin annaga ka soo baxaya ee aannu dooranaynaa waa xisbigayaga KULMIYE ee murrashaxa madaxweynaha u yahay Muuse Biixi Cabdi, codkana annagaa u hayna, waxa lagu soo baxayaa tiro, tiradana annagaa u hayna mid aan been ahayn, anigoo Maxamed Muraad ah oo odaygii degmadan Burco ahi konton kun oo cod baan jeebka ugu hayaa Muuse Biixi Cabdi, marka la faanayo waa la iga faan badan yahay, dhabta markay noqotona aniga ayuun baa la igu soo daba faylayaa

Wasiirrada Hawlaha Guud iyo Duulista Hawada – Cali-marreexaan iyo Cismaan Caddaani iyo weliba Agaasimaha Komishanka dawladda ee La-dagaallanka AIDS-ka Cabdikariin Xinif, ayaa iyaguna soo dhawaynta indho-daraandarka reer Burco ee KULMIYE ugu quus-gooyey cid kastoo kale oo hunguri kaga jiray codka gobolka Togdheer.

“Maanta waxay Burco oo dhami laamidaa cagta u saareen waxay ogyihiin ragga marayaa inay yihiin mujaahidiintii naftooda u soo huray xornimadooda, Togdheer xorayntii dalkan ka sakow waxay muujisay baaxadda iyo qiimaha dadkeedu leeyahay iyo waxay doonayaan dalkani inuu hiigsado.” “Waxa kaloo aan reer Burco leeyahay ka kacaay oo is-diiwaangeliyaayey, waxaannu leenahay reer Togdheer yaan lagaa cod badan.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Duulista Hawada Cismaan Caddaani.

Intaasi kadib, waxa weftiga loo galbiyey dhinaca Burco oo lagu wareejiyey jidadka waawayn ee magaalada oo ay tubnaayeen dad qalbi-furan, farxad iyo caleemo qoyan kusoo dhaweeynayey madaxda xisbiga, waxaanna markii dambe la isugu biyo-shubtay xarunta xafiiska Gobolka Togdheer ee KULMIYE oo ay diyaar ku ahaayeen kumanaan kale oo taageerayaashiisa ah oo halkaasi taagnaa ilaa 1:00-dii duhurnimo jacaylka madaxdooda iyo dareenka mabda xisbinimo darteeda.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Maxamed Ibraahim Aaden iyo Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dhammaantood uga mahadceliyey reer Burco soo dhawaynta aanay u kala hadhin ee ay ku caddeeyeen taageeradooda xisbiga. Sidoo kalena, waxay ku dhiirrigeliyeen inay si buuxda uga qaybgalaan diiwaangelinta codbixiyayaasha ee laga bilaabi doono Gobolka Togdheer maalinta Sabtida.

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si wayn uga mahadceliyey soo dhawaynta iyo taageerada reer Burco ku qaabileen ee waliba muddada dheer ay la soo barbar-taagnaayeen KULMIYE.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu ka hadlay qiimaha diiwaangelinta iyo tartanka axsaabta, isagoo yidhi, “Diiwaangelintu waxay ka dhigan tahay siidhigii doorashada oo la afuufay, mar haddii diiwaangelintii la bilaabay doorashadii ayaa la bilaabay, saddexda xisbi mid waliba dadweynaha wuxuu la horimanayaa waxqabadkiisa iyo barmaamijkiisa, annaga guud ahaan waxqabadkayagii hore dadkaa qiimaynaya oo wuu cad yahay oo waanu la horimanaynaa, mustaqbalka wixii aannu qaban lahayna waxaad ka akhriyeysaan toddobada qodob ee Madaxweynuhu khudbaddiisii Baarlamanka ku dhigay oo ah siyaasadda mustqabalka soo socda ee KULMIYE ku shaqayn doono, waana aragtidii iyo maskaxdii uu Madaxweyne Siilaanyo afar sanno ku ahaa madaxda ee uu noo sii dhigay oo annaguna aannu ku hawlgalayno.”

Waxa kaloo uu dhallinyarada ku dhiirigeliyey inay taageerada axsaabtu mabda’ u noqoto si ay mustaqbalka horumarka uga gaadhaan, isagoo tusaale u soo qaatay Wasiirka Hawlaha Guud Cali Marreexaan oo ku biirista iyo shaqada xisbiga bilaabay wixii ka dambeeyey aasaaskiisii iminkana wasiir noqday, “Anigu soddon ama afar sanno ka hor anigoo idinka idin le’eg ayaan is garabtaagay Siilaanyo oo markaa ka soo horjeestay Siyaad Barre oo aannu ku daba soconay soddon sanno, maantana waa kaa madaxweynaha ii sharraxay ee isagu gacanta ii taagay. Haddaba, siyaasadda marka mabda’ la isku aaminno taasi ayey leedahay, Cali-marreexaan waa dhallinyaradii xisbiga joogtay berigii aannu lahayn ha tahriibin walaal UDUB way tagaysaaye, wuu tahriibi lahaa sidii qayrkii, Xinif dhallinyaradii markaa joogtay buu ahaa, Xirsi-gaa maanta siyaasiga wayn noqday dhallinyaradii markaa joogtay buu ahaa, siyaasadda haddaad xisbigaaga aaminto sidaas baa madax loogu noqdaa, dalkaaga sidaas baa loo aaminaa oo magac iyo muunad baa lagu yeeshaa. Markaa waxaan dhallinyarada ku boorinayaa inay u adkaystaan duruufaha badan, siyaasaddana ay mabda’ ka raacaan,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Muuse Biixi.