Taleex (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si xeel-dheer uga sheekeeyey taariikhda ku duuggan dhismaha qaddiimiga ah ee loo yaqaanno qalcadaha xarunta u ahayd hoggaamiyihii jabhaddii Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdalle Xasan oo dagaal uu muddo dheer kula jiray Boqortooyadii Ingiriiska kadib lagu jabiyey sannadihii 1920s.
Guddoomiye Muuse Biixi oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayo oo xubno wasiirro ku jiraan booqasho ku tageen magaalada Taleex ee xarunta ah Gobolka Xaysimo Jimcihii toddobaadkan, halkaas oo si wayn loogu soo dhaweeyey, waxa mar uu tagay dhismihii xarunta u ahaa Sayid Maxamed Cabdalle Xasan uu ka sheekeeyey taariikh badan oo uu ka hayey goobtaasi iyo guud ahaan nidaamkii Daraawiishta.
Md. Muuse Biixi waxa uu sheegay in dhismayaasha Sayidku lahaa oo ka koobnaa saddex qalcadood oo ta ugu wayn u ahayd xafiiska uu ka maamuli jiray nidaamkiisii, taasi u dhisnayd qaab layaab leh oo aan weli laga hirgelin Geeska Afrika.
Isagoo ka sharraxaya qaab-dhismeedka xaruntii taliska Daraawiishta iyo hawlaha lagu qaban jiray, waxa uu yidhhi, “Waxa la yidhi dhismahan waxa dhisay oo injineerro ka ahaa Turki iyo Jarmal, waxa kale oo laga yaabay sida loo qaadi jiray dhagaxa lagu dhisayo maadaama dhismuhu sare aad ugu dheeryahay, waxa la yidhi raggu dhismaha dushiisa ballaadhan ayuu istaagi jiray kadib gog (saanta Bogga Geella) oo afarta dhinac lagaga xidhay xadhko ayaa la saari jiray dhagaxa, dabadeedna si miisaaman baa loo jiidi jiray, waayo harragu wuu isku laabmayaa ee maaha bir, waxa kaloo iyana la yaab lahayd halka dhagaxa lagu dhisay laga soo guri jiray iyo sida loo soo qaadi jiray? Sida la sheegay dhagaxa Baqlo (fardaha dhedig) ayaa soo jiidi jiray.
Markaa dhismahani waa halkii maamulka Daraawiishtu ka socday, wuxuu lahaa meel uu dadka kala hadlo Sayidku, waxa dhanka Koonfureed kaga yaal meel la yidhaa Falaad ama meel kulul oo ahayd halka lagu tababarto, Fardaha lagu xidho, waa halkii dacwadda lagu qaadi jiray ee ninka xujoobay lagu abaalmarin jiray qaar guri lagu xidho, kuwo la dilo iyo qaar la daldaba.
Waxa jira dhisme la yidhaa Eegi oo ah bar-ilaalo ama difaaca, waxyaabaha ay layaabka ku lahayd waxa ka mid ah waxay halkaasi lahayd meel dhexe oo laga shidi jiray dab laga arki jiray ilaa xeebta Eyl.”
Waxa kaloo uu tilmaamay in dhismaha qalcadda ee xarunta u ahaa Sayid Maxamed Cabdalle Xasan ay ku yaalaan saddex xabaalood oo ay ku kala aasan yihiin aabbihii, hooyadii iyo gabadhisii, balse ay jiraan waxyaabo kale oo lagu muransan yahay oo ay ka mid tahay xabaal la sheego in lagu aasay Faraskii Sayidka.
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu hoosta ka xarriiqay sida loogau baahan yahay in la ilaaliyo aataarta taariikhiga ah ee uu ka tagay Sayidku, “Khiddadiisa iyo qorshihiisu wuxuu doonayo ha ahaado laakiin ninkaasi taariikh wayn buu ka tagay oo u baahan in la ilaaliyo, ma jiro Geeska Afrika dhisme intan le’eg oo taariikhi ahi, malaha dalalka Maali iyo Masar ayuun baa leh qalcado intan laaleeg, laakiin innaga dayac-tir la’aan, innagoo garanayn iyo waqtiga oo dheer way baaba’day, waxaanay u baahan tahay in loo gurmado oo la ilaaliyo. Qofka diidanaa ra’yiga Sayidka iyo qof kale waa kala jaad, rag badan baa ka soo horjeeday, meel walbana mucaaradadu way leedahay, laakiin waxan uu qabtay iyo dhisamahan cilmiga ah waa taariikh uu Soomaali dhaxalkeeda uga tagay,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
Mar uu ka hadlayey sababihii keenay inuu Sayid Maxamed Cabdalle Xasan ku guuldarraysto dagaalkii uu kula jiray Boqortooyadii Ingiriiskii, waxa uu yidhi, “Ninkan markii loo taagwaayey waxa ka tashatay Yurub oo dhan isaga iyo ninkii Liibiya ee la odhan jiray Cumar Mukhtar ayaa ugu horreeyey hub wax loo isticmaalay, markii hore mamnuuc bay ahayd in hubka waawayn bani’aadamka lagu rido oo madaafiicdii berigaa la haystay waxa lagu dhufan jiray uun tiknikada, xeerka berigaa u yaalay Yurub wuxuu in aan qofka laga toogan wax ka badan 12mm, laakiin markii hubkii qoladii u horreeyey ee loo adeegsaday waxay ahaayeen Liibiya, kuwii labaadna waxay ahaayeen Daraawiish oo waatii lagu soo kiciyey diyaaradihii faraha badnaa oo subax keliya ku waaberiistay, isna waa kii lahaa Coomaadayaal duulayey Cadan ka keeneene, Cirka iyo Dhulkaa is qabsaday Cadhadhacdoodii, adiguba caqlaad leedahaye carar maxaa dhaama… Runtii layaab may lahayn oo waxa lagula dagaalamay waxaanay garanayn, isna aakhirkii waakii ku dhintay degaanka Iimay. Haddii uu guulaysan lahaa tusaale ahaan taariikhaha ugu waawayn ee ka adkaatay Yurub ayuu ahaan lahaa, waanu sigay, waayo labaatan sanno ayuu waday dagaalka oo ujeeddo iyo aragti buu ka lahaa,” ayuu hadlakiisa raaciyey Muuse Biixi.