X
    Categories: Warar

Guddoomiye Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Weerarkii Guriga Badhasaabka Awdal Iyo Dhacdooyin Kala Duwan Oo Sababay Dhimasho

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi


Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xsibiga KULMIYE Muuse BiixiCabdi, ayaa ka hadlay weerarkii todobaadkii hore dablay hubaysani ku qaadeen guriga Guddoomiyaha Awdal iyo dhacdooyin kale oo kala duwan.
Dhanbaal kasoo baxay xafiiska Warbaahinta ee Xisbiga KULMIYE, galabta, ayaa u dhignaa sidan:-“Guddoomiyahaxisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya afka hoggaanka xisbiga, ka guddiga fulinta, golaha dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska, qaraabada, asxaabta iyo shacabka reer Somaliland ee ay ka baxeen shan dhallinyaro ah oo ku kala geeriyooday magaalooyinka Berbera iyo Boorama iyo weliba askartii ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday guriga Badhasaabka Awdal toddobaadkan.

Shanta Marxuum ee dhallinyarada ahaa, waxa afar ka mid ah oo ahaa arday ka tirsanaa mid ka mid ah dugsiyada waxbarashada ee magaalada Hargeysa ay ku geeriyoodeen badda Berbera oo ay u dal-xiis tageen maalintii Khamiistii ee taariikhdu ahayd 08/10/2015, halka hal wiil oo dhallinyaro ah uu u geeriyooday rasaas ka qaraxday askari boolis ah magaalada Boorama maalintii Arbacada (07/10/2015). Sidoo kalena, laba askari oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada ee Badhasaabka Gobolka Awdal, ayaa ku geeriyooday weerarkii koox dablay ahi ku qaaday guriga Badhasaabka Awdal ee Boorama habeenkii Arbacada.

Haddaba, Guddoomiyaha KULMIYE oo aad uga xun dhacdooyinkaas galaaftay nafaha ardayda iyo askarta ciidammada ka tirsanaa, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen xoog muhiim ah oo ka baxay Qaranka Somaliland, waxa uu ka tacsiyadaynayaan guud ahaan shacabka reer Somaliland, gaar ahaan ciidanka Booliska iyo qoysaska ay ka dhasheen dhallinyaradaasi.
Guddoomiyuhu waxa uu Ilaahay uga baryayaa marxuumiintaasi inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoysaska, ehelada, qaraabada iyo guud ahaan shacabkana uu samir iyo iimaan innaga siiyo” ayaa lagu yidhi qoraalka Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE kasoo baxay.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post