X
    Categories: Warar

Guddoomiye Muuse Biixi Muxuu Yidhi Musharaxiinta Ka Baaqsaday Inay La Tartamaan Kadib Doorashadii Uu Guusheeda Daaqada Ka Qaatay

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo maanta loo doortay Musharaxa Xisbiga KULMIYE uga qayb gelaya Doorashada Madaxtooyadda ee la filayo inay dalka ka qabsoonto sannadka March 2017, ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay xubnaha golaha dhexe taageerada ay siiyeen.

Guddoomiyaha KULMIYE, wuxuu hadal uu ka jeediyay doorashadii uu ku hantiyay guusha shirka golaha dhexe ee Xisbiga oo maanta ka dhacday Maansoor Hotel, ka sheegay inay sii wadayaan wadadii uu jeexay aasaasha Xisbiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana sii wadayaan sida uu sheegay horumarkii xukuumadda Somaliland fulisay shantii sanadood.

Guddoomiye Muuse Biixi, wuxuu hanbalyo iyo amaan ujeediyay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo uu ku sifeeyay nin adag oo fagaaraha tartanku ka dhacay guuli ka raacday.
Sidoo kale, wuxuu u mahadnaqay laba Musharax oo ka mid ah saddexdii Murrashax ee qaadacay shirka golaha dhexe ee Xisbiga, kuwaas oo sida ku sheegay uga mahada celinayo labada Musharax ee Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka baaqsaday inay kasoo qaybgalaan tartanka si ay ugula tartamaan shirkii Golaha dhexe, wuxuuna go’aanka maqnaanshohooda ku sifeeyay mid Tolnimo iyo Xigaal oo ay ugu tanaasuleen isaga.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post