X
    Categories: Warar

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee KULMIYE Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Cali Cabdi Diini Oo Haldoorka Saxaafada Ahaa Iyo Suldaan Ku Geeriyooday Ceergaabo

Araweelo News Network

Mujaahid Maxamed Kaahin Araweelo news Network

Hargesa(ANN)-Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo safar dibadeed ku maqan, sidoo kalena ka wakiil ah hay’adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamuud Cabdi (War-qabe) oo ku geeriyooday magaalada Ceerigaabo shalay oo taariikhdu ahayd 13/02/2017.

Marxuum Suldaan Maxamuud Cabdi (War-qabe) waxa uu ka mid ahaa salaadiinta waawayn ee reer Somaliland, gaar ahaan Gobolka Sanaag, waxaannu door wayn ka soo qaatay dadaalladii halganka, nabadaynta iyo dib-u-dhiska Qaranka Somaliland.

Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, bahda warbaahinta iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Cabdi Diini (Cali Nac-nac) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo ay taariikhdu tahay 14/02/2017.

Marxuum Cali Cabdi Diini (Cali Nac-nac) waxa uu ahaa suxufi waayo-arag ah oo muddo dheer ka soo shaqaynayey mihnidda saxaafadda, isla markaana kaalinta muuqata ku lahaa horumarka iyo taabbagalka warbaahinta Somaliland gaadhay.

Guddoomiyuhu waxa uu labada Marxuum Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada iyo shacabkana Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post