X
    Categories: Warar

Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiiladda Oo Ugu Baaqay Xukuumadda In Xoriyadooda Loo Celiyo Xildhibaano Xabsiga Ku Jira

Hargeysa(ANN)Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, isla markaana ah ku-simaha guddoomiyaha, ayaa ka hadlay waxa sharcigu ka qabo xadhigga xildhibaan la doortay oo xasaanad leh.
Guddoomiye Baashe waxa uu sheegay in aannu sharcigu ogolayn xadhigga xildhibaan xasaanad leh, balse ay tahay in marka hore laga qaado xasaanadda uu huwanyahay haddii lagu qabto fal-dambi ah, waxaanu ugu baaqay xukuumadda inay sharciga ilaaliso, xorriyadoodana loo soo celiyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.
“Xildhibaannadu xasaanad ayey leeyihiin, laakiin haddii lagu qabto isaga oo fal dambiyeed gacanta kula jira, waa la xidhi karaa, siday tahayna waxa weeyaan in sharciga la dhawro, haddii la doonayo in la xidho waa in xasaanada laga qadaa oo Golaha Degaanka dib ugu noqdaan oo xasaanada laga qadaa. Waxa weeye xildhibaan ha ahaado ama qof shacab ahbee waa in markasta xukuumaddu ilaaliso sharciga,” ayuu yidhi Baashe oo warbaahinta la hadlayey.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post