X
    Categories: Warar

Guddoomiye Jawaari Oo Xaqiijiyay Inuu Xilka Iska Casilay Iyo Sababta Uu Go’aankaa U Qaatay

Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN)-Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey inuu  go’aansaday inuu xilka iska casilo.kaddib mooshin muran iyo sawaxan abuuray oo la doonayay in xilka lagaga qaado.

 

Hase yeeshee Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in go’aankaa uu qaatay si uu burbur uga badbaadiyo Baarlamanka, isagoo xusay inuu kulanka Arbacada ee baarlamaanka ka shaacin doono oo golaha u gudbin doono istaqaaladiisa.

Guddoomiyaha is casilay Faahfaahin dheeraad ah kama bixin sababaha uu isu casilay, iyo talaabada xigta ee uu qaadi doono, balse wuxuu ku gaabsaday inuu Baarlamaanka u gudbin doono iscasilaadiisa.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa xalay saq dhexe xiray wadooyinka Magaalada Muqdisho, maadaama la filayay in maanta uu dhaco kulanka Baarlamaanka oo codka kalsoonida loogu qaadi lahaa Gudoomiye Jawaari, balse inta uusan kulanka furmin is casilay.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka Cabdi Wali Muudeey, ayaa maanta xarunta Baarlamaanka tobaneeyo xildhibaan ka hor sheegay warqad uu sheegay in ay ka timid Jawaari islamarkaana uu iska casilay xilkii uu hayay, waxaana markaa kadib warbaahinta u xaqiijiyay inuu Jawaari iscasilay Cabdi Raxmaan Xoosh oo ah wasiirka dastuurka Dawladda Federaalka, wuxuuna xusay in la laalay mooshinkii muranka dhaliyay.

Guddoomiye Jawaari, ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ka hor intii aanu shaacin go’aankiisa  la xidhiidha inuu xilka Guddoomiye iska casilo.

Ciidamada ayaa laga qaaday wadooyinkii ay xidheen, waxaana dib u soo noqday isu socodka gaadiidka dadweynaha oo maalmihii u dambeeyay hakad galay, iyadoo dadka magaalada muqdisho si weyn uag wer werayeen xaalada kacsan iyo khilaafka siyaasadeed ee taagnaa.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post