X
    Categories: Warar

Guddoomiye Faysal Oo Shaaciyay In Xisbiga UCID Lagu Tartamayo Iyo Muj. Cali Guray Oo Fariin Hanjabaad Ah U Diray

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Cali Waraabe, ayaa shaaciyay in Xisbiga lagu tartamayo marka la gaadho xiligeeda musharaxnimada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID, wuxuu sidoo kale ka hadlay khilaafka maalmahan danbe ka aloosan Xisbiga dhexdiisa, wuxuuna sidaa warbaahinta u sheegay mar uu maanta u dhoofayay dalka Ruwanda oo uu sheegay inuu kaga qaybgelayo shir caalami ah.
Eng. Faysal, wuxuu ku dooday in aanu jirin khilaaf u dhexeeya isaga (Guddoomiyaha iyo Musharaxa Madaxweynaha Jamaal Cali Xuseen), balse, waxa uu sheegay in aanu jirin cid uu xisbigu u xidhanyahay, isla markaana lagu tartami doono marka la gaadho shirka golaha dhexe ee Xsibiga.
“Xisbigu maaha Compeny cid ay iibsatay, ama cid u xidhan, anigu waxan ahay Guddoomiyihii marka waqtigeeda la gaadho waa la tartamayaa, mana jiro qof loo xidhay Xisbiga. Iminka musharax ma jiro ee waa ku talagal, anaguna Jamaal ayaanu berigii u diyaarinay ninkii kale waakaas iska tegey, laakiin waa lays qiimaynayaa oo sidii xisbigu usoo bixi lahaa ayaa laga fekerayaa, Maantana waxa suuqa ku jiraa maaha wax caqligal ah, aniga ayay sharaftayda meel kaga dhacayaan kuwa leh Faysal Xisbiguu iibinayaa, waxaan leeyahay Xisbigu Compeny maaha Compeny-ada ayaa la iibsadaa.” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.

Mar la weydiiyay inuu ka mid noqonayo musharaxiinta Xisbiga, waxa uu sheegay in aanu jirin wax ka mamnuucaya inuu is sharaxo, isagoo yidhi, “Ma jirto Aayad soo degtay oo odhanaysa Faysal ma tartami karo, kumana odhan waan tartamayaa, laakiin xisbiga waa lagu tartamayaa, waxaan filayaa kuwa sidaa lihi waa kuwo iga baqaya oo leh dhulkuu idiin ridayaa hadduu Faysal idinku soo baxo, waxaanse u sheegayaa xaq baan u leeyahay inaan tartamo, dalkan anaa xoog geliyay oo haddaan arko rag aan ogahay oo tamartooda oggahay hadduu dalku gacanta u galo in layna roggayo waan is hortaagayaa, si markaa aanay taasi u dhicin waa inuu Xisbiga kasoo baxaa qof Somaliland wadi karaa” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Sadexaad ee Xisbiga UCID, Muj Cali Guray, ayaa ugu hanjabay Guddoomiye Faysal in haddii aanu Xisbiga ka deyn wuxuu ugu yeedhay qas iyo fidno uu ka dhexwado xisbiga UCID, uu dhinaca Xisbiga kale ee Mucaardka WADDANI, u tallaabi doono.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post