X
    Categories: Warar

Guddoomiye Cirro Oo Sheegay In Aanay Xilalka Siyaasiga Ah Ee Xisbiga WADDANI U Xidhnayn Cid Gaar Ah

Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in aanay xilalka siyaasiga ah ee xisbigoodu u xidhnayn cid gaar ah, balse muwaadiniinta reer Somaliland u wada siman yihiin.
Guddoomiye Cirro oo hadal ka jeediyey magaalada Allay-baday ee Gobolka Gabilay , waxa uu
“Hadafka xisbiga WADDANI waxa weeye in la sameeyo Somaliland aan ahayn jeegaan, lana sameeyo Somaliland la wada leeyahay oo aanay jirin Somaliland xilalkeeda cid loogu ballanqaaday, balse la wada leeyahay. Muwaadinka jooga Laas-qoray, ka jooga Saylac, ka jooga Allay-baday iyo ka jooga Caynabo ay u siman yihiin xilalkeeda,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cirro.
Waxaannu intaas ku daray; “In Guddoomiyaha WADDANI noqdo Madaxweynaha qaranka oo aannu cidna u xidhnaan oo Madaxweynuhuna cidna u xidhnaan maayo, Guddoomiyaha xisbiga WADDANI-na cidna u xidhnaan maayo, xilalkooduna cidna u xidhnaan maayaan, waxaanna daliil idiin noqon kara, waxa aan imminka Guddoomiyaha xisbiga ahaa muddo shan sanno ah, waxaanan go’aansanay in anniga la iga wareejiyo guddoomiyenimada oo lagu wareejiyo masuuliyiinta kale ee xisbiga, taasina weli kamay dhicin Somaliland.”
“Annigu dadka kama farriidsani, laakiin waxa maanta la iga dhigay murrashax, marka dambena waxa laga yaabaa in murrashax dambe soo baxo doorashada soo socota, haddii Ilaahay yidhaah. Dhallinyarada iyo hablaha lagama laha oo waxa aynu doonaynaa in aynu dhisno qaran,” ayuu yidhi murrashaxa xisbiga WADDANI.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ammaanay xubnaha siyaasiyiinta ah ee ka soo jeeda degaannada Hargeysa iyo Gabilay oo ku biiray xisbiga WADDANI, kuwaasoo uu ku sifeeyey inay yihiin xubno ka boqsaday qabyaaladda.
“Qabyaaladdu waa meelaha aynaan weli ka bogsan ee haddii aad loo xoq-xoqo dadka lagu kicin karo, laakiin ragga iyo hablaha ka bogsaday waxa ay hormuud u noqon karaan Somaliland oo ka boqsata qabyaaladda. Waxa aynu doonaynaa in aynu ku abtirsano xisbiyada qaranka oo waxa aannu doonaynaa in aannay WADDANI ku dhicin wixii ku dhacday xisbiyadeennii hore oo uu ahaado xisbi la kala dhaxlo oo boqolaal sanno jira, carruurteennu dhaxasho oo ku guulaysta talada dalka, In Sha Allaah boqolkaas sannoba,” ayuu yidhi Md. Cirro.
Waxa kaloo uu tilmaamay in barnaamijka xisbiga WADDANI uu ku dhisan yahay sinnaan iyo horumar, isla markaana xooga saarayo inuu wax u qabto degaannada lagu yareeyey horumarka ee dalka Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa barnaamijku uu si cad u qeexayaa in la isa soo gaadhsiiyo dalka oo meesha aan caafimaad lahayn, sida degmada Allay-baday oo kale looga shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada caafimaadka, taasina waxa ay ku imanaysaa marka aynu go’aanka wada qaadano ee shacbigu taageero isbeddelka, reer Allay-badayna ay kow ka noqdaan.”
Murrashaxa WADDANI, ayaa sheegay in degmada Allay-baday ee Gobolka Gabilay ay tahay degaan beerolay ah, isagoo xusay inay ku dedaali doonaan haddii ay ku guulaystaan doorashada Madaxtooyada in laga caawiyo degmada Allay-baday dhinaca wax-soo-saarka beeraha.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post