Categories: Warar

Guddoomiye Cirro oo Shacabka Somaliland iyo Ummadda Islaamka ah ugu Hambalyeeyey Curashada Sannadka Cusub ee Islaamka

Araweelo News Network

cirrolastcirrolastHargeysa (ANN)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaya magaciisa, ka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabyada dhallinyarada iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu hambalyo iyo duco u dirayaa guud ahaan shucuubta islaamka ee dunida dacalladeeda kala jooga, gaar ahaan shacbiga Somaliland, isagoo ugu hambalyeynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka ah 1438 (Hijriyada) awgii oo ku beegan Axadda maanta oo taariikhda miillaadiguna tahay 02 October 2016.
Guddoomiye Cirro, waxa uu Ilaahay uga baryeyaa in shacabka Somaliland ay sannadka sannadkiisa ku gaadhaan bashbash, barwaaqo iyo badhaadhe, inta bugta xannuunka ka dulqaado, inta caafimaad qabtana u siyaadiyo, sida oo kalena naxariistiisii jannatul Fardowsa ka waraabiyo intii geeriyootay. Waxa kaloo uu guddoomiyahu Eebbe ka baryeyaa in shacabka Somaliland uu sannadka sannadkiisa siiyo ictiraaf ay ka helaan dunida inteeda kale.
Ugu dambeyn, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu shacabka Somaliland uu ugu baaqayaa in ay wada ilaashadaan nabadgelyada, sidoo kalena meel uga soo wada jeestaan wixii dhibaateynaya qarannimada Somaliland, si qaran ahaan aynu u gaadhno himilada shacabkeenna.

FacebookFacebookTwitterTwitterEmailEmailWhatsAppWhatsAppRedditRedditPinterestPinterestPrintPrintSkypeSkypeTelegramTelegramShareShare
AddThis Website Tools
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post
whatsapp
line