X
    Categories: Warar

Guddoomiye Cirro oo Safar ugu Baxay Qaaradda Yurub

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa safar shaqo ugu baxay dalal ku yaal qaaradda Yurub.
Ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray ujeeddada safarka Guddoomiye Cirro, balse sida ilo-wareedyo kala duwan tibaaxeen, waxa lagu soo dhaweeyey madaarka diyaaradaha ee Arlanda international Airport oo ku yaal dalka caasimadda Sweden ee Stockholm shalay.
Waxa kaloo xoguhu iftiimiyeen in Guddoomiyuhu ka qaybgeli doono shirar iyo kulamo la xidhiidha qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo la filayo in lagu qabto waddanka Sweden, gaar ahaan xarunta Baarlamaanka ee dalkaas.
Guddoomiye Cirro, ayaa sidoo kale u gudbay dhina dalka Finland isla gelinkii dambe ee shalay, halkaasoo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey, iyadoo sidoo kale la sheegay in ujeeddada safarkiisu la xidhiidha sidii uu kulamo ula yeelan lahaa masuliyiinta xisbiga WADDANI ee dalalka Yurub iyo jaaliyadaha reer Somaliland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post