X
    Categories: Warar

Guddoomiye Cirro oo ka Hadlay Khilaafkii Banka Qool-caday iyo Bilowga Diiwaangelinta Codbixiyaha Gobolka Maroodi-jeex

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay muran gacan-ka-hadal sababay oo ka dhacay degaanka Banka Qool-caday ee koonfurta Hargeysa maalintii Sabtida iyo bilowga hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka oo ka bilaabmi doonta Gobolka Maroodi-jeex.
Guddoomiye Cirro oo saxaafadda la hadlay shalay, waxa uu ugu baaqay shacbiga, gaar ahaan dadka degaanka Banka Qool-caday inay ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo xasilloonida guud.
“Waxa aan ugu baaqayaa shacbiga reer Somaliland ee degaanka ku ah Banka Qool-caday guud ahaan in la ilaaliyo xasilloonida oo laga wada shaqeeyo nabadgelyada, waxaanan u soo jeedinayaa baaq nabadeed. Waxa kaloon ugu baaqayaa xukuumadda in si nabadgelyo ku jirto oo masuuliyad ku dheehan tahay u maamusho arrinta seeraha Banka Qool-caday.”
Waxa kaloo uu ka hadlay diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee la filayo inay ka bilaabanto degaannada Gobolka Maroodi-jeex, waxaannu yidhi; “Waxa si rasmi ah loogu dhawaaqayaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha Gobolka Maroodi-jeex oo ah gobolka ugu muhiimsan Jamhuuriyadda Somaliland bishan 30-keeda. Markaa waxa aan ugu baaqayaa shacbiga Gobolka Maroodi-jeex inay si wanaagsan isu diiwaangeliyaan, dhammaan muwaaddiniintuna qaataan kaadhka diwaangelinta codbixiyaha si ay u helaan xaqooda dastuuriga ah ee ah inay codeeyaan. Sida aynu ognahay in dhammaan gobollada iyo degaannada dalka ee diiwaangelinta laga soo qabtay ay si fiican uga qabsoontay.
Markaa innaga oo ka faa’iidaysanayna waayo-aragnimadaas hore, waxa aan leeyahay shacbiga Somaliland dhammaantii; ‘muwaadin, is diwaangeli si aad u hesho xaqaaqa dastuuriga ah.’ Taasi waa farriin aan gaadhsiinayo shacbiga ku dhaqan Gobolka Maroodi-jeex,” ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post