X
    Categories: Warar

Guddoomiye Cirro oo ka Digay Somaliland Lugaha loo Geliyo Dagaalka Dalalka Khaliijku ka Wadaan Waddanka Yemen

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in aanay xisbi ahaan ka soo horjeedin mashaariicda horumarinta ah ee Somaliland, balse waxa uu xusay in saldhigga millatari ee Imaaraadku ka dhisanayo Berbera aannu ahayn mashruuc horumarineed, loona baahan yahay in xoog looga fiirsado.
Guddoomiye Cirro oo khudbad ka jeediyey xus magaalada Hargeysa loogu sameeyey maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka February, waxa uu ka digay in Somaliland cagaha loo geliyo dagaalka ka socda Yemen.
“Dhallinyarooy berigii hore idinku maydaan dhalan e’ ruwaayadahii berigii hore la dhigi jiray waxa ka mid ahayd ruwaayad la odhan jiray ‘Bidaari sibiq bay kugu gashaa.’ Markaa waxa aan leeyahay saldhigga laga samaynayo Berbera waa bidaari sibiq bay kugu gashaa, waxaana aad ka warqabtaan in wadammada Khaliifka aynu saaxiib nahay, waxbay taraan Somaliland oo waa run, laakiin dalalka Khaliijku sida aynu ka warqabno waxa ay galeen dagaalka Yemen, anigu markaa waxa aan is leeyahay qolyahaa wadammada Khaliijku hadda waxa ay leeyihiin tollow yaa idin ka saara dagaalka Yemen? Markaa nimankaasi dagaalka ay leeyihiin Ilaahow yaa idin ka saara, waxa aan leeyahay in Somaliland loo keeno waa arrin si gaar ah ugu baahan in loogu fiirsado, waxaanan qabnaa in Saldhigga Milatari ee Imaaraadku aanu ahayn mashruuc horumarineed oo annagu wixii mashruuc horumarineed ah si weyn baanu u soo dhaweynaynaa, wixii waddanka wax tarayana aad baanu u soo dhaweynaynaa, laakiinse, waxa aannu leenahay saldhiggaas Milatari yaanu noqon Bidaari sibiq bay kugu gashaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Waxa kaloo uu ka hadlay xuska maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka February oo si weyn looga xusay dalka shalay, waxaannu yidhi; “Waxa farxad ii ah in aan ka qeybgalo munaasibaddan weyn ee sida wanaagsan loo soo agaasimay ee ku astaysan maalinta qaranku u asteeyey dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanna si gaar ah u xusayaa dhallinyarada ay ka dhalatay fikraddaas in la aasaaso ee dhallinyarada UFO oo aan inta halkan joogta u mahadnaqayo, taariikhdooda in la xusana ay mudan yihiin, intii ka dhimatayna Alle ha u naxariisto, aniga oo aad u xusaya Barre oo ka mid ahaa dhallinyaradii halkaas ku dhimatay maalintaas. Waxa kaloo taariikhdeena innagu waajib ah in aynu si wanaagsan uga bogano, dhallinyaradeenana ugu gurmano, dhallinyaradana waxa aan u soo jeedinayaa in ay niyadda u furaan taariikhda halkan lagaga sheekaynayey. Waxa aan boggaadinayaa dhammaan dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland oo aan ku bogaadinayo maalinta dhallinyarada ee 20-ka February, markaa aad baan u hambalyeynayaa runtii.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post