X
    Categories: Warar

Guddoomiye Cirro Oo Iscasilaadii Xilka Guddomiyaha Wakiiladda Kadib La Kulmay Madaxweyne Silaanyo

Araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay guddoomiyaha WADDANI ee iska casilay xilka guddoomiyaha Wakiilada

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta Madaxtooyada ku qaabiley Gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga Waddani oo maanta si rasmi ah iga casilay xilkaasi.

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay guddoomiyaha WADDANI ee iska casilay xilka guddoomiyaha Wakiilada

Kulanka Madaxweynuhu markii uu soo dhamaaday waxa saxaafadda la hadlay afhayeenka madaxtooyada iyo Gudoomiye Cirro.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland Iyo Guddoomiyaha WADDANI

“Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu maanta soo booqday guddomiyaha ahna musharaxa xisbiga Waddani oo maanta si rasmi ah iskaga casilay xilkii mudada dheer uu u hayay qaranka ee ahaa guddomiye-nimadii golaha wakiilada, madaxwaynuhu waxa uu guddomiyaha uga mahad celiyay wakhtiga dheer ee ay soo wada shaqeeyeen waxaanu ku booriyay inuu qaranku halkaa kasii taabo galo, wuuna u duceeyay musharaxa iyo musharaxiinta kalaba wuxuuna ku booriyay in danta qaranka wax walba ay ka horaysiiyaan” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada JSL Xuseen Dayr.

Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Iyo Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Weris oo ku Kulmay Qasriga Madaxtooyadda

“Sidaa uu sheegay Afhayeenku maanta waxaan baneeyay jagadii guddomiye-nimo ee golaha wakiillada Somaliland iyadoo doorashadii inoo qabsoomayso 13/Novembar/2017, sidaa awgeed maadaama aan qaranka masuuliyad u hayay waxaan soo booqday madaxweynaha qaranka oo aan ku war gelinaayay in aan baneeyay hawshaas iyo dar-daaran wuxuuna sii farayaba waxaanu madaxwayanaha isla fahamnay in mudnaanta lasiiyo danta qaranka doorashooyinkuna wakhtigoodii inoogu qabsoomaan”ayuu yidhi Guddomiyihii hore ee golaha wakiillada Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post