X
    Categories: Warar

Guddoomiye Cirro oo Cisbitaalka Hargeysa Ku Soo Booqday Inj.Maxamed Xaashi oo Xaalad Caafimaad u Jiifa

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), ayaa soo booqday Alle ha caafimaadiyee wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo xaalad caafimaad u jiifa cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro),oo booqashadiisan ay ku wehelinaayeen xubno ka mid ah masโ€™uuliyiinta sar sare ee xisbiga WADDANI, ayaa ugu horreyn Inj.Maxamed Xaashi ka xaal waraystay xaaladdiisa caafimaad, waxaana uu Alle uga baryey in uu caafimaad deg dag ah uu siiyo isaga iyo umadda kale ee Islaamka ah ee xanuunsanaysa ba.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa muddooyinkii dambe noqday siyaasiga kaliya ee inta badan sida aadka ah uga war haya soona booqda dadka danyarta ah iyo weliba kuwa kale ee xaaladda caafimaad u jiifa cisbitaalada iyo guryahoodaba, waxaana ay shacabka Somaliland ay inta badan ku tilmaamaan hoggaamiye naxariis badan oo si aada uga war haya dadka tabaaleysan iyo weliba kuwa kale ee xaaladdoodu caafimaad aanay caadiga ahayn ba.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post