X
    Categories: Warar

Guddoomiye Cirro iyo Weftigii uu Hoggaaminaayey oo Kulamo La Qaatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Austria iyo Hay’adda Mucaawinooyinkaa

Araweelo News Network

Austrian(ANN)-Waftigii ballaadhna ee u hoggaaminayay Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Mud. Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo safaro diblumasiyadeed ku galabixiyay waddamada Yurub, ayaa kulan ballaadhan waxay Dalka Austria kula yeesheen hay’adda mucaawinooyinka u qaabilsan Dalkaas ee loo yaqaano Austrian Development Agency.


Kulankan oo muhiimad gaara ay waftigu siinayeen waxay kala hadleen saamaynta abaaraha darani ku keeneen shacbiga Somaliland iyo sidii Dawladda Austria door wax ku ool ah uga gaysan lahayd caawinta dadkii u caydhoobay abaaraha.


Madaxa hay’adda Austrian Development Agency iyo sarakiil sare oo kulan kaas ku wehelinaysay ayaa ballanqaaday inay sida ugu dhakhsaha badan gacan uga gaysan doonaan abaaraha, waxay sidoo kale sheegeen inay hore ugu hawlanayeen doorka ay Dawladda Austria ka qaadanayso abaaraha haleelay waddamada bariga Afrika.

Geesta kale waftiga Murashaxa Xisbiga WADDANI hoggaaminaayo waxay kulan ballaadhan oo saacado badan qaatay ay la yeesheen Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Austria kulan kaas oo lagaga wada hadlay arrimaha doorshooyinka iyo sidii ay Somaliland uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, dibudhaca ku yimi doorashooyinkii Somaliland iyo dhaawaca ay dalka u gaysteen iyo arrimo kale. Waftigu waxay u sii gudbi doonaan waddanka Sweden.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post