X

Guddoomiye Cali Xaamud Oo Ka Hadlay Codka Gobolka Awdal Hadalkii Daahir Rayaale iyo Xalka Gobollada Barriga

Guddoomiye Cali Xaamud iyo xildhibaano kale, London Image Araweelo News Network. 19 April 2024.

 

ku akhri wax ka yar laba daqiiqo

Daawo muuqaal ka yar 6daqiiqo

#Araweelo_News_Network.

London (ANN)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Wakiillada Somaliland, Cali Xaamud Jibriil ayaa ka hadlay hadalkii u danbeeyay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale ka jeediyay xarunta gobolka Awdal ee Boorama.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay xilliga doorashooyinka Somaliland iyo halka la filayo in codka Gobolka Awdal uu maro marka la gaadho xilligeeda, isagoo xukuumadda ku dhaliilay qaabka miisaaniyadda qaranka ee gollaha wakiiladu u qorsheeyeen mashaariicda gobolka Awdal looga saaray.

Guddoomiye Cali Xaamud, wuxuu sidaa ka sheegay hadal uu ka jeediyay mar uu ka qaybgalay munasibad Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ku qabtay London 19 April 2024, taas oo loo qabtay Xildhibaan Barkhad Hurre.

“Waa markii ugu horraysay ee Gobolka Awdal miisaaniyadda loogu daro mashaariic £milyan oo dollar ah, markaa qolada Kulmiye ee doonaya innay ku Olloleeyaan 1Milyan oo Madaxweynuhu sheegay, waxaan leenahay waa cashuurtii Awdal, sababtoo ah Awdal waa cashuur bixiyayaa, waan in lasoo bandhigaa saddexdii Milyan ee loogu daray Miisaaniyadda 2024.” ayuu yidhi, Guddoomiye Cali Xaamud Jibriil oo ka hadlayay munaasibada London.

Xildhibaanada Isbaahysiga ayuu ku amaanay innay miisaaniyadda ugu dareen lacagtaa horrumarka gobolka Awdal, isagoo tilmaamamy markii loo soo gudbiyay gollaha wakiillada miisaaniyadda 2024, in aannay boqol doolar ugu jirin gobolka Awdal.

Guddoomiye Cali Xaamud, waxa kale oo uu ka hadlay dhaqdhaaqaaqii u danbeeyay ee gobolka Awdal iyo hadalkii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, isagoo yidhi, “Awdal waa Somaliland sidii uu sheegay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale, waxaan leenahay soomaalidu waxay tidhaahdaa “Habar dhaliweyday alleelo ku waalatay, waxba yaan lagu meeraysan Madaxweynihii hore ee sharafta badnaa Daahir Rayale, Awdal halkay codka siinay way cadahay.”

Waxa kale, oo guddoomiye Cali Xaamud ka hadlay arrinta gobollada Bariga Somaliland, isagoo yidhi, “Dagaal wiil baa ku dhinta ee Wiil kuma dhasho, arrinta Sool iyo Sanaag Barri uma baahna dagaal, waa in xal siyaasadeed la raadiyaa Madaxweynayaashii hore Axmed Siilaanyo iyo Daahir Rayale sugeen amnigooda, waxaan leenahay wanaag halagu raadiyo, Guddoomiyahayaga Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), Xildhibaan Casoowe, xildhibaanada kale iyo masuuliyiinta xukuumadda kaga jira haloo daba fadhiisto ayuu yidhi, Guddoomiye Cali Xaamuud Jibriil.

Muuqaalka Halkan Ka Daawo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post