X
    Categories: Warar

Guddoomiye Cabdiraxmaan Talyanle Oo Rajo Ka Muujiyay Khilaafka Xisbiga KULMIYE Kadib Kulan Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha saddexaad ee xisbiga Kulmiye Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ka mid ah dhinacyada Xisbiga KULMIYE, ee xalay la kulmay Madaxweyne Siilaanyo si xal loogu helo khilaafka xisbiga, ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay waxyaabaha laga wada hadlay iyo natiijada kulanka ay Madaxweynaha la yeesheen.

 

Cabdiraxmaan Talyanle oo ay kulanka Madaxweynaha ku weheliyeen y guddoomiye xigeenka labaad ee Kulmiye Xildhibaan Maxamed Yuusuf (Waabeeye), guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Wakiiladda Dr. Cali Yuusuf Axmed oo metelaya garabka musharaxiinta isbahaystay, iyadoo dhinaca Madaxweynaha ay ku weheliyeen kulankaa dhawr xubnood oo ka mid golihiisa wasiiradda.
Xildhibaan Talyanle oo maanta saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa rajo ka muujiyay kulanakaa lagaga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka xisbiga KULMIYE< wuxuuna sheegay inay si fiican isu afgarteen Madaxweynaha, rajo fiicanna ka qabaan in arrimaha xisbiga xal laga gaadhi doono. Waxa uu sheegay in wali wada hadalku u socdo madaxweynaha iyo garabkooda oo cabashooyin dhawr ah qaba.
Mudane Cabdiraxmaan Talyanle, wxa kale uu xildhibaanku sheegay inay madaxweynaha u gudbiyeen soo jeedin ah in shirka golaha dhexe ee loo asteeyay 10 November dib loo dhigo, maadaama xisbiga ay hor yaalaan arrimo culus, blase lama ogga sida ay dhinacyadu arrimahaa heshiis ugu noqonayaan, iyadoo ay muuqato inay aad u kala fogaadeen, isla markaana dhinac walba tiisa doonayo inay meel marto.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post