X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Oo Weedho Hanjabaad Iyo Dhaleecayn Ah U Jeediyay Madaxweyne Biixi Laba Sannadood Kadib Guuldaradii Doorashada


Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa ku hanjabay inay tallaabooyin qaadi doonnaan, isagoo dhinaca kalena Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi usoo jeediyay dhaliilo uu taxay.


Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro oo galabta warbaahinta kula hadlay guriga uu ka deganyahay magaalada Hargeysa, wuxuu dhawaaqiisa kusoo beegay laba sannadood kadib markii lagaga adkaaday doorashadii Madaxtooyadda Somaliland, 13 November 2017, oo ku beegnayd maanta.


Wuxuu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi, mudadii uu xilka hayay kala qaybiyay, isla markaana kala irdheeyey, halkii uu ka midayn lahaa, isagoo xusay in Madaxweyne Biixi sameeyay ku xadgudub iyo ku tumshada dastuurka iyo xeerarka dalka, halkii uu ka ilaalin lahaa, maadaama ay tahay waajibkiisa oo lagu dhaariyay, wuxuuna tusaale usoo qaatay golayaasha deegaanka ee waqtigoodu dhammaaday oo aan mudda kordhin loo samayn, kuwaas oo uu sheegay in ay sharci-daro ku joogaan.


Guddoomiye, Cirro, waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi farageliyay ganacsiga xorta ah ee dastuurku jideeyey, xakamayn la’aanta sicir-bararka oo uu sheegay inuu xadhka goostay, kaas oo uu xusay inuu ragaadiyay nollosha bulshada, waxa kale oo uu xusay hoos u dhac iyo debec ku yimi amniga dalka, taas oo uu sheegay inay ka dilaacaan Jabhado markii u horraysay guddaha Somaliland, wuxuuna xusay inay xisbi ahaan horre u canbaareeyeen jabhadahaa, mar labaadna ay canbaaraynayaan,


Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi mudadaa uu xukunka hayay awoodda qaranka u adeegsaday dhul-boob iyo ganacsi gaar ah, isagoo sheegay in xukuummaddu caadaysatay ku tumashada xuquuqda Aadamaha iyo cabudhinta xoriyada saxaafada, xadhig joogta ah oo uu sheegay in lagu hayo siyaasiyiinta iyo madaxda axsaabta, walaw aanu xusin siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada oo la xidhay.


Guddoomiyaha WADDANI, waxa kale oo uu sheegay in baahsanaan iyo maamul-xumo xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay sababtay musuq-maasuq ka jira maamulkiisa, isla markaana wuxuu xusay inay arrimahaas lumiyeen kalsoonidii beesha Caalamka ee aqoonsiga ay Somaliland ka sugaysay, wuxuuna carabka ku adkeeyay in aanay marnaba aqbalayn xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka qaranka ee shalay golaha wakiiladu ansixiyeen, kuwaas oo ay ka maqantahay xubnintii laga sugayay dhianacooda.

Akhri: Qaabkii Lixda Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland Loogu Codeeyay


“Waxaan idiin sheegayaa in aanaan taag iyo tallo midna u waayin toosintiisa oo ku dhaqaaqi doono tallaabo kasta oo qarankan lagu badbaadinayo, shacbiga Somaliland-na usoo jeedinayaa inay ilaashadaan midnimadooda iyo wada-jirkooda iyo amnigooda oo ay diidaan kala qaybinta iyo iska horkeenka shacbiga Somaliland.” ayuu yidhi, Guddoomiye Cirro oo kusoo beegay dhawaaqyada canbaaraynta iyo hanjabaada ah laba sannadood kadib markii doorashadii madaxtooyadda Somaliland ee lagaga guulaystay xisbigooda, taas oo khilaaf siyaasadeed oo weli taagan iyo kala qaybsanaan bulshada dhexdeeda ah abuurtay, isla markaana raad muuqda ku yeelatay cunfiga siyaasada Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post