X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANi Oo Masuuliyiin Xisbigiisa U Magcaabay Gabiley

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN) – Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa xilal Kala duwan u magacaabay Gudoomiyeyaasha Gobolka Gabiley, Garabyada Haweenka iyo Dhalinyarada.

Waxaana lagu sheegay War-saxaafadeedka inuu Gudoomiye Ciro uu magacaabista masuuliyiintan uu u tixraacay qodobada 30aad farqadiisa 6aad ee Xeerka xisbiga Waddani iyo Xeerka Garabyada xisbiga. waxaanu ilaahay uga baryey inuu masuuliyiintan xilalka u fududeeyo.

Waxaanay u dhignaayeen xilalka uu Magacaabay Gudoomiye Ciro sidan:-

REF/XIS/WAD/XDH/2467/2017 26 July, 2017

KU: Dhamaan Masuuliyiinta Hoos Ku Xusan Gabiley

OG: Guddoomiyaha Gobollada Dalka Rugtooda

OG: Guddida Fulinta Ee Xisbiga WADDANI Hargeysa

OG: Hogaanka Xisbiga WADDANI Hargeysa

OG: Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Hargeysa

OG: Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Hargeysa

OG: Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah Hargeysa

Ujeedo: Magacaabis Xil

Markaan Darsay: Qodobka 30aad farqaddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI iyo Xeerka Garabka Haweenka iyo Dhalinyarada Heer Qaran ee xisbiga Waddani

Markaan arkay: Baahida loo qabo in la buuxiyo xilkan.

Markaan la tashaday: Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI Iyo Hoggaanada Garabbada Haweenka iyo Dhalinyarada.

Markaan ku qancay: Kartida iyo Aqoonta Xubnahan hoos ku xusan

Waxa maanta oo taariikhdu tahay 26-ka July 2017 aan u magacaabay gobolka Gabiley xubnahan hoos ku xusan.

1. Md Cabdiraxmaan Muxumed Baadil, Gudoomiyaha Gobolka Gabiley.

2. Md. Xasan Maxamuud Cawaale, Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gabiley.

3. Md. Mukhtaar Axmed Maxamed, Xoghayaha Gobolka Gabiley.

4. Md. Xuseen Ismaaciil Xirsi, Afhayeenka Gobolka Gabiley

Garabka Haweenka Gobolka Gabiley

1. Marwo Qani Xaaji Xasan Suufi Jibriil, Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Gobolka Gabiley

2. Marwo, Saado Yuusuf Xuseen, Gudo-ku xigeenka 1aad ee garabka Haweenka gobolka Gabiley.

3. Marwo, Caasha Maxamuud Aw-Xasan, Gudd-ku-xigeenka 2aad ee garabka haweenka gobolka Gabiley.

4. Marwo, Hodan Muuse Warsame, Xoghayaha Garabka Haweenka Gobolka Gabiley

5. Marwo Saado Sheekh Maxamed Ismaaciil, Khasnajiga garabka Haweenka gobolka Gabiley.

Garabka Dhalinyarada Gobolka Gabiley

1. Md. Caydaruus Maxamed Cabdilaahi, Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Gobolka Gabiley

2. Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Xirsi, Gudd-ku-xigeenka 1aad ee garabka dhalinyarada gobolka Gabiley

3. Md Caydaruus Cumar Ibraahim Gud-ku-xigeenka 2aad ee Garabka dhalinyarada gobolka Gabiley

4. Md. Cabdilaahi Iidaan Muuse, Xoghayaha Garabka Dhalinyarada ee Gobolka Gabiley.

5. Md. Rashiid Muxumed Xasan, Xubin Garabka Dhalinyarada ee Gobolka Gabiley.

6. Marwo. Sacaada Mxamed Yuusuf, Xubin Garabka dhalinyarada ee gobolka Gabiley.

Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inay ku soo kordhiyaan gobolka Gabiley ee xisbiga Waddani fikrado wax ku ool ah iyo inay ku soo biirin doonaan waayo aragnimadooda iyo dedaal dheeri ah.

inuu ku soo kordhiyo xisbiga WADDANI fikrado wax ku ool ah, waayo aragnimadiisa iyo Khibradiisaba.

ALLAA MAHAD LEH

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Crro)

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post