X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Soo Dhowayn Balaadhan Kala Kulmay Booqasho Uu Ku Tegey Magaalada Burco Iyo Sharaxaad Uu Ka Bixiyay Ujeeddada Safarkiisa

“Walaalayaal Isdabayaaca Waa Soo Dhamaysanay”

Araweelo News Network

Burco(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeayay Magaalada Burco Ee xarunta Gobolka Togdheer .

Badhasaabka Gobolka Maxamed Ibraahim Qabo iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalada Burco oo iskood isku abaabulay, ayaa si balaadhan u qaabilay, iyadoo soo dhowaynta hoggaamiyaha UCID uu kala kulmay Bulshadu ahayd mid aanu hore uga baran in sidan oo kale dadku iskood usoo dhoweeyaan.


Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Gobolka Togdheer Mudane Aadan oo weedho kooban ka jeediyay halkaa, ayaa sheegay inay kusoo dhawaynayaan Gudoomiye Faysal iyo Waftiga uu hogaaminayo magaalada Burco.

Eng Faysal Cali Waraabe oo Magaalada Burco kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aad ugu mahad naqayaan Bulshada Burco isagoo faahfaahin kooban ka bixiyay ujeeddada socdaalkooda Burco .

“ Waxaanu u nimi Burco, waxaan ku leenahay xaflad aanu qaabili doono dad xisbiga soo galaya oo taageerayaal ah iyo murashaxiin u tartamaya Doorashooyinka Golaha wakiilada oo xaflad lagu shaacinayo.” Ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Guddoomiyahaa ayaa waxaa intaasi ku daray “ Intan kale ee lagu daray ee soo dhaweenta kumaanu talo galin , waa ku mahadsantihiin , annagu waanu soo dhameesannay soo dhaweenta iyo is dabayaacaas uma xiisoono walaalayaal , markaa idinkaa is xilqaamay , lacagna soomaanaan dirin , xafladaa ayaan u nimid , aadna waanu idiinku mahad naqaynaa Shacabka Burco , Anigu waxaan idhaahdaaba Burco waa Xareedda Somaliland ..” Ayuu Yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Dhinaca kale Guddoomiye Faysal ayaa ka hadlay Abaarta baahsan ee galbeedka Somaliland, wuxuuna Bulshada Reer Somaliland ugu baaqay in rabbi loo noqdo oo la waydiisto Raxmadiisa, isagoo dadweynaha Burco ku amaanay taageerada ay ka geysteen abaartaa wixii tamartooda ah.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post