X

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Oo Ka Hadlay Geerida General Galaal Farriina U Diray Bulshada Soomaaliyeed

Araweelo News Network.

“Geerida General Galaal, waa mid murrugo ah, wuxuu ahaa Geesi Soomaaliyeed” Eng. Faysal Cali Waraabe.

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha Xisbiga Muraadka Somaliland ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay qaraxa iyo weerarka shalay kooxda Al-shabaab ku fuliyeen Huteelka Africa ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka Al-shaabab ku qaaday huteelka oo laga horaysiiyay qarax, ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, isla markaana geystay bur-bur weyn, waxaana ku naf waayay General Maxamed Nuur Galaal iyo dhawr iyo labaatan qof oo kale.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ku tilmaamay geerida General Galaal mid murrugo ah, isagoo ku sifeeyay halyey weyn oo ka baxay ummada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha UCID, wuxuu sheegay in Marxuum General Galaal door weyn ku lahaa dhismaha ciiddankii qaranka Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah ugu xusay kaalintii uu ku lahaa dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Ethiopia.

“Maanta waa maalin murrugo ah, waxaan ka tacsiyaynayaa shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan shacbiga Muqdisho dilka General Galaal oo ka mid ahaa raggaii cagaha u taagay Millaterigii Dawladdii Somali Republic, Gen. Galaal, wuxuu ahaa geesi,, dagaalkii 1977, wuxuu watay ciiddankii Kaarraa-mardha galay, wuxuu ahaa midhadhkii ku hadhsanaa Soomaaliya ee hayay taariikhda Soomaaliya , Somaliland iyo geeska Afrika ee xog-ogaalka ahaa”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay bulshada Soomaalida inay toosaan oo talladooda gacanta ku qabsadaan, isagoo usoo jeediyay in ay wixii ka dhinma Soomaalida kale weydiiyaan.

“Maanta talladiina waxa gacanta ku haya Turki, Maraykan, Ethiopia iyo dad kale, Farmaajona waxba idiinma hayo ee toosa oo tallada gacantiina ku qabsada.” sidaa waxa yidhi, Eng. Faysal oo farriin guubaabo ah u diray shacbiga Soomalida, gaar ahaan dadka reer Muqdisho.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post