X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ee WADDANI Oo Ciidamada Qaranka Ku Hambalyeeyey Xuska Sanad-guuradoodii 24aad

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa dhambaal hambalyo ah uu u diray ciidamada qaranka Somaliland, isaga oo ugu hambalyeeyay xuska sanad guurada 24aad ee ka so wareegtay markii la aas-aasay ciidanka qaranka Somaliland oo ku beegnayd maanta oo taariikhdu tahay 02 February 2018.

 

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxa sida oo kale uu hambalyo taas la mid ah uu u diray dhammaan  qoysaska iyo xaasaska ciidanka qaranka Somaliland meel kasta oo ay joogaan, isaga oo ciidanka qaranka ku sifeeyey in ay yihin naftood hurayaal dhib iyo duruuf ba u xamilay siddii ay u ilaalin lahaayeen haybadda iyo difaacidda qarankooda Somaliland.

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed .Cabdillaahi (Cirro), waxa ugu dambeyntii u rajeeyey ciidamada qaranka iyo qoysaskooda in ay sanadka sanadkiisa  ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo, halkaasna ay ka sii wadaan dedaalka iyo kartida ay qarankooda ugu adeegayaan.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post