X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Xisbiga Kumiye Oo Xilal Cusub Magcaabay

Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay xilal cusub oo ay ku jiraan qaar ka mid ah guddoomiyayaasha gobollada iyo xubno ku soo kordhay madaxda xarunta dhexe ee xisbiga.

Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa wareegto uu soo saaray shalay waxa uu ku magacaabay guddoomiyayaash KULMIYE ee shan ka mid ah gobollada dalka, halka laba masuul oo kale loo kala dhiibay warbaahinta iyo xidhiidhiyaha gobollada ee xisbiga.

War-saxaafadeed oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha KULMIYE oo lagu baahiyey magacaabistaasi, waxa uu u dhignaa sidan;

“Ku: Amiin Muuse Xirsi Gabiley

Ku: Xasan Cabdillaahi Xirsi Burco

Ku: Axmed Ismaaciil Jaamac Borama

Ku: Maxamed Cawad Faarax Ceerigaabo

Ku: Axmed Maxamed Daadey Laascaanood

Ku: Saalax Muxumed Idiris xarunta dhexe ee xisbiga

Ku: Cali Jaamac Maxamed Xarunta dhexe ee xisbiga

Og: Sahal Aadan Maxamed Burco

Og: Muuse Carab Dugsiiye Awdal

Ujeeddo: Magacaabid xilal

Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 01/09/2015, waxa loo magacaabay xubnaha hoos ku qoran mid walba xilka ku hor qoran.

1. Amiin Muuse Xirsi – Guddoomiyaha Gobolka Gabiley

2. Xasan Cabdillaahi Xirsi – Guddoomiyaha Gobolka Togdheer

3. Axmed Ismaaciil Jaamac – Guddoomiyaha Gobolka Awdal

4. Maxamed Cawad Faarax – Guddoomiyaha Gobolka Sanaag

5. Axmed Maxamed Daadey – Guddoomiyaha Gobolka Sool

6. Cabdillaahi Maxamuud Guray – Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Sool

7. Jaamac Dheeg Cartan – Xoghayaha Gobolka Sool

8. Saalax Muxumed Idiris (Shiine) – Xidhiidhiyaha (Co-ordinator) Gobollada iyo xarunta Dhexe ee xisbiga KULMIYE

9. Cali Jaamac Maxamed – Madaxa warbaahinta (media) ee xarunta xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyayaashii horena waxa looga mahadcelinayaa sidii wanagsanayd ee ay noola soo shaqeeyeen, iyaga oo soo gali doona xarunta dhexe ee xisbiga.”

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post