Araweelo News Network
Gudoomiyaha iyo labada wasiir markii ay gaadheen qolka Room 3 oo uu ku sugan yahay Mujaahid Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo maalmahan xaalad caafimaad u jiifay dhakhtarka weyn, ayaa bariido ka dib waxay la qaateen wakhti kooban oo ay mujaahid ka xaaladiisa ugu kuurgaleen kana waraysteen sida uu hadda yahay caafimaad ahaan mujaahidku.
Mujaahid boobe oo xaaladiisa caafimaad maalinba maalinta ka sii danbaysa ay ka soo raynayso, waxay gudoomiyaha iyo labada wasiir Alle uga baryeen inuu ka dulqaado Xanuunka oo uu caafimaad degdeg ah siiyo. Amiin Amiin Amiin.