X

Guddoomiyaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Oo Ka Hadlay Siyaasiyiin Kasoo Guuray KULMIYE Oo KU Biiray WADDANI

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlaya furitaankii shirweynaha labaad ee WADDANI, 15 November 2021, Hargeysa, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha Gollaha wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif, ayaa sheegay in siyaasiyiin hore uga tirsanaa xisbiga Kulmiye oo la yabaanaa markii ay isaga iyo saaxabadii ka baxeen ay maanta soo gaadheen oo kusoo biireen WADDANI.

Guddoomiye Cabdirisaaq oo ka hadlayay shirweynaha labaad ee Xisbiga mucaaradka ee WADDANI oo maanta ka furmay Hargeysa, wuxuu ka hadlay xaallada dalka, mustaqbalka Xisbiga iyo arrimo kale.

Wuxuuna isagoo ka hadlayay xubno siyaasiyiin ah oo madasha shirweynaha Xisbiga WADDANI hadalo ka jeediyay, isla markaana kasoo baxay xisbiga Kulmiye yidhi, “Markii aanu ka baxaynay Kulmiye raggii nala yaabnaa, maanta ayey nala dareen yihiin, waanu ku faraxsanahay in aanu isa soo gaadhnay”

Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, wuxuu sheegay in ay soo dhowaynayaan saaxiibada ka daba yimi ee ay Kulmiye isku ahaayeen, balse aragtida siyaasadeed ee ay markaa qabeen isaga iyo saaxiibadii ku kala duwanaayeen maanatase ay la mawqif noqdeen.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post