X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha WADDANI Oo Xukuumadda Uga Digay In Ay Dalka Kusoo Rogto Xukun Milateri Oo Aan Golayaashu Xalaalayn

Photo file Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardka Somaliland ee  WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka digay in dalka lagu soo rogo xaalad deg-deg ah, wuxuuna mudanayaasha labada gole ee Baarlamaanka ku boggaadiyey go’aankii diidmada ahaa ee ay ka qateen arrintaa.

Xaalda deg-dega ah ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi kusoo rogtay gobolka Sanaag, waxay  labada gole ka codsatay inay u codeeyeen, balse fadhigii labada gole ee maanta, ayaa dhicisoobay, kadib markii 37 xildhibaan keliya oo ka mid ahaa 107 xildhibaan oo kasoo xaadiray fadhiga ay gacanta u taageen, guddoomiye Baashe Maxamed Faarax oo fadhiga guddoominayay, ayaa markii uu arkay xaalada ku dhawaaqay in fadhiga la xidhay oo maalinta Sabtida laysugu soo noqdo.

 Waxaana Guddoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro oo markaa kadib Warbaahinta kula hadlay Hargeysa si adag ugaga digay xukuumadda iyo laamaha amniga oo uu sheegay inay doonayan in wixii ay golayaashu diideen dhaqan-geliyaan.

 “Waxaan Boggaadinayaa Baarlamaanka Somaliland labadiisa aqalba Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada oo maanta qaatay tallaabo taariikhiya , tallaabadaas oo ah inay diideen inay ansixiyaan maanta xukunkii milateri amma xukunkii deg deg ahaa ee lagu soo rogay gobolka Sanaag, baarlamaanka waxaan ku boggaadinayaa in tallaabadaasi ay ahayd mid ay sharciyada ugu hiiliyeen mid ay shacbiga ugu hiiliyeen.”ayuu yidhi, Guddoomiye Cirro.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in arrinta xaalada deg dega ah aanay ku koobnaanayn Sanaa goo keliya ee ay gobolada kale ku xigayan, isagoo yidhi, “Waxaannu shacabku xasuus-naan doonnaa tallaabadda taariikhigga ah ee aad qaadeen, waxaad u hiiliseen dhammaan shacabka reer Somaliland, waayo xukunka degdeg ahi kuma koobnaadeen gobolka Sanaag oo goboladda kale ayaa ku xigi lahaa oo Awdal baa ku xigi lahayd. Marka maanta shacabka aad la dareen noqoteen waan idinku boggaadinayaa, Waxaad u hiiliseen dhammaanba dadkii ku noola gobolka Sanaag ee degmooyinkiisa lagu soo rogayay xukunka milateri ee kala ahaa, Gar-adag, Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo.”Ayuu yidhi Cirro

Dhanka kalena Guddoomiye Cirro, ayaa Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi uga digtay inay xukun Milateri oo aanay xaalaalayn golayaasha Guurtida iyo Wakiilladu ay dul dhigto shacbiga,”Waxaannu xukuumadda uga digaynaa xukun milateri oo golayaashu xalaalayn oon sharci ahayn inay shacabka ku fuliso, waxaan kale oo shacabka reer Somaliland gobolkasta oo ay joognaa ugu baaqayna in ay ilaashaddan xasiloonidooda iyo nabadgel-yadoodda. Ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaannu ugu baaqaynaa inay sharciga u hoggaansamaan inay shacabkoodda u tudhaan iyo inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo xasiloonni –darro iyo amni-darro ka dhallin karta dalka.”ayuu yidhi, Guddoomiyaha WADDANI.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post